Madaxweynaha Masar Oo Ka Hadlay Filim Lagu Aflagaadeeyey Nabigeenii Suubanaa NNKH, Dareen Cadho Lehna Ka Bixiyey
September 13, 2012 - Written by reporter1 - Edited byreporter1
Madaxweynaha Masar ayaa ku amray Safaaradda dalkiisu ku leeyahay waddanka Maraykanka inay qaado tallabooyin kasta oo ka dhan ah raggii soo saaray Filimkii lagu aflagadeeyay Nabigeeni Maxamed CSW, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay aqalka Madaxtooyada Masar, kaas oo u dhignaa isdan “Madaxtooyada Jamhuuriyadda Masaridu waxay sixun u canbaaraynaysaa inay fool xumeeyaan koox danbilayaal ahi meqaamka Rasuulka Illahay Naxariis Iyo Nabad Gelyo Kor Kiisa Ha Ahaate. Waxayna si gaara u canbaraynaysaa shakhsiyaadka soo saaray filimkaas, sidaa daradeed shacabka Masar Muslimiin iyo Masixiyiinba si cad ayay u diideen in meel lagaga dhaco Muqadasaadka”.
Bayaanka Xukuumadda Masar ayaa lagu xusay sidoo kale in ay dawladda Masar ilaalinayso dhismayaasha Safaaradda iyo Qunsuliyada Maraykanku ku leeyahay dalkaa
Madaxweynaha Masar Mohamed Mursi ayaa si cad u amray Safaaradda dalkiisa ee ku taala waddanka Maraykanka, inay fal celin ka samayso dadka filimkaas sameeyay ee doonaya inuu xumaado xidhiidhka dawladaha Masar iyo Maraykanku. Wuxuuna Madaxweynuhu amray inay Safaaradu samayso wax kasta oo suurto gal ah.
Dadweynaha reer Masar ayaa saaka sii laban laabay banaan baxyadii ay kaga cadhaysnayeen dhacdadan, wuxuuna si weyn hadda uga socda afaafka hore ee Safaaradda Maraykanku ku leeyahay waddanka Masar. Sidoo kale dadku waxay saaka isugu soo baxeen jidadka waa weyn ee Magaalada Qaahira iyagoo dhagxaan tuuraaya. Waddanka Masar ayaa kamid ah waddamada waa weyn ee Islaamka tariikhda soo jireenka ah ku leh. Sidoo kale Madaxweyne Mohamed Mursi ayaa ah nin si weyn loogu yaqaano ku dheganaanta diinta Islaamka.
