Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay doorashadii maalintii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho laguna soo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Faroole ayaa soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya,waxaana uu aad ugu hambalyeeyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
C/raxmaan Faroole oo uu hadalkiisa u muuqday mid uu ku durayo Shariif Sheikh Axmed ayaa shegay in dalka Soomaaliya uu yeeshay madaxweyne Aqoon leh islamarkaana ay la shaqeyn doonaan.
Waxa uu ugu baaqay madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyada Soomaaliya inuu ka shaqeeyo arimaha horyaala.