Madaxwynaha Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu soo dhaweeyay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kulanka soo dhaweynta waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Proff; Maxamed sheikh Ismaan Jawaari Taliyaasha Ciidamada Qalabka sida Shaqaalaha Madaxtooyada iyo Madaxwynihii hore ee Soomaaliya.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo sidoo kale Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa socod dheer kusoo maray waaxyaha kala duwan ee ay koobantahay xarunta Madaxtooyada .
Markii uu socodka soo dhamaaday kadib ayaa waxaa Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay howlka Shirarka Madaxtooyada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Proff:Xasan Sheikh Maxamuud.
Ugu horeyn waxaa Madasha ka hadlay Madaxweynhihii hore ee Dowladdii KMG aheyd Shariif Sheikh Axmed waxaana uu faah faahin ka bixin qaabka Madaxtooyada iyo Shaqaalaha kala duwan ee Madaxtooyada wuxuuna u mahad celiyay qaabka wanaagsan ee ay Shaqaalaha Madaxtooyada u guteen waajibaadkooda Shaqo .
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Proff; Xasan Sheikh Maxamuud ayaa isna dhankiisa waxa uu u Mahad Celiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed iyo dhamaan Shaqaalaha Madaxtooyada ee sida Hufan u soo gutay Waajibaadkooda Shaqo.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waa markii ugu horeysay ee uu soo kor meero Xarunta Madaxtooyada Tan iyo markii loo doortay Madaxweybnaha Dalka dhawaan ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Xafladdda Caleema saarka ee ay Xilka Ku kala wareegayaan Madaxweyaha cusub iyo Madaxweynihii hore ee Dalka.