madaxweynaha cusub ee Sooomaaliya ayaa maanta si kulu uga hadlay arinta ku aadan eedeynta loo soo jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed
Madaaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Proff; Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta shir jaa,id ku qabtay Magaalada Muqdihso ayaa waxaa uu ka hadlay War dhawaan ka soo baxay Wasiirka Arimha Dibadda Kenya kaasi oo ku aadanaa in Madaxweynihii hore ee Dalka Shariif Shiikh Axmed uu ka dambeeyay Qaraxii Dhawaan ka dhacay hotel jaziira ee Magaalada Muqdisho
Madaxweynaha ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay arinkaasi waxaana uu sheegay in Kenya looga baahanyahay in ay soo cadeyso hadalkii dhawaan ka soo yeeray Wasiirkeeda Arimha Dibafdda ee ahaa in Shariif Shiikh Axmed uu ka dambeeyay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasi oo lagu weeraray Hotel uu Muqdihso ka Daganaa Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya oo Xilligaasi kulan la Qaadanayay Mas,uuliyiin ka tirsan Kenya .
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Shiilh waxaa uu sheegay in uu Xiriir la sameeyay qaar kamid ah Mas,uuliyiinta Dowladda Dalkaasi islamarkaasina uu u sheegay in looga fadhiyo in ay soo Cadeyaan Warkaasi waxaana uu tilmaamay in ay u sheegeen in Warkaasi uu ahaa mid Qalad ah isla maraasina ay Raali galin ka bixin doonaan sida uu sheegay.
Waxaa uu sheegya in Madaxweynhii hore ee Dalka Shariif Shiikh Axmed uu xil weyn kasoo qabtay Dalka loona baahan yahay in aan Sharafkiisa lagu xad gudbin.
“Waa in ay cadeeyeen wararkii ay qoreen warbaahin dalka Kenya Sheekh Shariif waa shaqsi soo qabtay mas’uuliyada dalka waxa uu naga mudan yahay xushmad dowladda Soomaaliya waxaa ka saaran Mas’uuliyada in ay dhowrto sharafta Madaxweynihii hore umana dul qaadan doono in meel looga dhaco sharaftiisa shacabka iyo dowladda Soomaaliya waa uu ku weyn yahay Madaxweynihii hore” ayuu yiri Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweynihii Hore ee Dalka ayaa isna maanta Arintaasi ka hadlay waxaana uu sheegya in arintaasi ay tahay mid aan sal iyo raad toona laheyn . .
Hadalkan waxaa uu yimid iyadoo Maalin ka hor Wasiirka Ariha Dibadfda Kenya uu sheegay in Qaraxii ka dhacay Hote Jaziira uu ka dambeeyay Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed .