Xaflad ka dhacday Xarunta Wasaarada Haweenka iyo arimaha qoyska Puntland ayaa maanta waxaa xilka ku wareejiyay Wasiiraddii hore ee Wasaaradda Haweenka Puntland taasi oo xilka ku wareejisay Wasiiradda Cusub ee dhawaan xilkaasi loo magacaabay.
Xafladda ayaa waxaa goob jog ahaa Mas,uuliyiinta Maamulka Puntland, Ururada Haweenka, hey,adaha Qaramada Midoobey iyo marti Sharaf kale oo ad u badan kuwaasi oo intooda badan ka yimi Gobollada Puntland.
Marwo Caasho Geele Wasiiradii hore ee Wasaarada oo iyadu maanta xilka wareejineysay ayaa goobta ka jeedisay hadal dheer oo dhinacyo badan taabanayay kaasi oo ku aadanaa horumarka ay Wasaarada Haweenka gaartay intii ay heysay xilka iyo meeshii ay taagneyd markii ay qabaneysay iyo iminka oo ay xilka wareejineyso halka ay mareyso.
Maxamed Faarax Ciise Gaashaan Wasiirka Maamul wanaaga Puntland ayaa isna dhankiisa halkaasi ka jeediyay qudbad dheer waxaana uu taabtay in wasiiradda maanta xilka wareejinaya ee wasaarada haweenka ay waxbadan oo loogu hambalyayeeyo ay soo qabatay islamarkaana ay taariikh kaga tagtay Puntland sida uu sheegay .
Intaasi ka dib waxaa halkaasi ka dhacay xilwareejintii maanta ay xilka ku wareejineysay Marwo Caasho Geelle Wasiiraddii hore ee Wasaaradda Haweenka Puntland oo iyadu maanta si rasmi ah u Wareejisay Xilkii ay ka heysay Puntland .