Masaajidada Madaaladda Hargeysa, ayaa Maanata khudbadihii Salaadii Jimcaha sui adag loogag hadlay Filimka Aflagaadada ah ee laga sameeyey Nabeenii suubanaa ee Muxamed NNKH, kaas oo uu maal geliyey Nin Yuhuudi ah, waxaanay dhamaan dadka islaamka ahi ay aad iyo aad uga cadhoodeen.
Culimada reer Somaliland gaar ahaan kuwa Magaaladda hargeysa ee Salaadii Jimcaha khudbadaha ka jeediya Masaajidada, ayaa maanta si uu ku jiro dareen cadho lh uga hadlay filimkaas kafka iyo waxshi nimada ku ah Umadda Islaamka, waxaanay dadka Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan ugu baaqeen inay ka dhiidhiyaan oo ay dareen cadho leh ka miuujiyaan arintaasi
Culimadda maanta Masaajidada ka wacdiyysay dadka ayaa si qiiro leh uga sheekeeyey Taatiikhihii kala duwanaa ee ay wali goodba gaaladu kula kici jirteen dadka mulimiinta ah iyo Nabegeenii Subanaa ee Muxamed NNKH, waxaanay sheegeen inay arintaas aad uga xunyihiin oo ay dareen cadho leh ka muujinayaan, waxaanay filimkaasi ku tilaamaeen mid la doonayo in Islaamka lagu aflagaadeeyo oo aanay waxba gaaladu kaga qaadi Karin Diinta Islaamka iyo dhamaanba Muslimiinta.
Buraannews.com/Hargeysa