Waxaa haatan Xarunta Golaha Shacabka ugu soo gaba gaboobay kulankii Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeesheen halkaasi.
Waxaa xarunta kulnka uu ka socday Maanta goob jooga ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheikh Ismaaaciil Jawaari iyo sidoo kale qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya .
Waxaana Shir guddoominaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Labadiisa Kuxigeen lama oga ilaa hadda Waxyaabaha ay kulankasi uga hadlayaan Baarlamaanka Cusub .
Kulanka ayaa ah mid haatan si Rasmi ahugu soo gaba gaboobmay Xarunta Golaha Shacabka iyadoona halkasi lagu dhaariyay Laba Mudane oo kamid noqonay Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya taasi oo tirada Guud ee Xildhibaanada Baarlamaanka ka dhigeysa ilaa 273 Xildhibaan.
waxaa kulankasi inta uu socaday lagu magacaabay Xubnaha Guddiga xeer hoosaadka baarlamaanka soomaaliya
Sidoo kale waxaa Hadal looga dhageystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya kulankii uu la qaatay Safiirrka Soomaaliya ee Dalka Turkiga kaasi oo ay kaga wada hadleen Sidii loo dhisi si lahaa Xarunta Golaha Shacabka .
Waxaa uu sheegay in Safiirku uu u sheegay in Xarunta Golaha Shacabka Dayactir lagu sameynayo balse waxaa uu sheegay in ay Qadaneyso Muddo Laba Sano ah isagoo Tilmaamay in Naqshadeenta xaruntaasi oo kaliya ay qaadaneyso Laba Bilood sida uu tilmaamay.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan lagu soo dhisay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho