Maxkamadda Sare Oo Go’aamo Culus Ka Soo Saartay Dadka Aflagaadeeya Diinta Islaamka Iyo Sixirooleyaasha

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa amartay Guddoomiyeyaasha iyo Garsooreyaasha Maxkamadaha dalka in ay ku xukumaan qofkasta Maxkamada horteeda kaga cadaato inuu aflagaadeeyey  ILLAAHAY,  Nabegeena Muxamed ah, Malaa’iigta, Diinta Islaamka, sidoo kale ay jiraan dad Falal Sixir in lagu Ciqaabo Xadhiga uu jideeyey  Qodobka 313XCG ee JSL.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamadda sare Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali oo nuqul ka mid ah uu heshay Wargeyska Saxansaxo, ayaa sidoo kale waxa dacwad oogeyaasha dalka laga codsaday in aanay tanaasul ka gelin eedeysanayaasha fal dambiyada lagu soo oogo.

Qoraalkan oo faahfaahsan waxa uu u dhignaa sidan: “Waxaynu ognahay in aynu nahay dad Muslimiin ah dalkeenana lagaga dhaqmo shareecada Islaamka hadaba waxa jirta in dadka qaar ka mid ahi ay ku tiraabaan Af-lagaado ay ku Aflagaadeynayaan ILLAAHAY,  Nabegeena Muxamed ah, Malaa’iigta, Diinta Islaamka, sidoo kale ay jiraan dad Falal Sixir ah ku fuliya Ummudda Islaamka ah eek u nool Dalka Somaliland dhamaan Faldanbiyeedyadaasina ay yihiin Faldanbiyeedyo aad u Xun Xun marka laga eego Diinteena Islaamka”

Sidaas darteed waxaan amrayaa Guddoomiyayaasha,Garsoorayaasha in ay ku Xukumaan Kuna abaal mariyaan Qofkasta oo lagu helo kuna cadaato Maxkamadda horteeda in uu Galay faldanbiyeedyada kor ku xusan Ciqaabta Xadhiga ee uu jideeyay  Qodobka 313XCG ee JSL waxaana reeban in Dembiilayaashaas Ciqaabta Xadhiga loogu bedelo Ciqaab Lacageed Sido kalena waxaana reeban siin Karin Damiin,lagana Geli Karin Ergo iyo Cafis,

Arinta fal Dembiyada kor ku xusan waxa ku dhiban qaranka JSL,waxa kale oo ku dhiban Qofkasta oo maqlaya cayda iy Aflagaadadaas oo Muslin ah,sido kale falka Sixiroolaha  waxa ku dhiban qaranka iyo Qofkasta oo lagula kacay Falkaasi,sido kale waxa ka reeban Xeer Ilaaliyayaasha iyo Dacwad Oogayaasha in ay Dacwad ka noqosho iyo ka tunaasul ka galaan Eedaysanayaasha lagu soo Oogo fal-danbiyada kor ku sheegan mar haddii uu ku dhiban yahay Qaranka Jahmuuriyadda Somaliland.”

Guddoomihaya Guddida Xumaan reebista iyo Wanaagfarista  Maxamed Xaji Maxamuud Xirsi  oo Wariye ka tirsan Wargeyska SAXANSAXO  ku booqday xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin sida is xilqaamka leh ee Guddoomiyaha Maxkamada Sare Dr Yuusuf Ismaacil Cali uu Wareegtada Xeer ciqaabeedka dadka Diinta iyo Nabigeena wax ka sheega uu uga soo saaray.

Guddoomiyaha Xumaan reebista iyo Wanaagfaristu waxa uu sidoo kale uu sheegay in ay ka xun yihiin filimka lagu Aflagaadeynayo Nabigeena Suuban (NNKH) isaga oo arrimaha ka hadlayana waxa uu yidhi  “Waxaan aad u tilmaamaya haddii aanu nahay Guddida Wanaag farista iyo Xumaan reebista in aanu Waraaq u qornay Guddoomiyaha Maxamdda Sare Somaliland  Dr Yuusuf Ismaaciil Cali Warqadaas oo ku saabsan  Dadka wax ma garatada ah ee ILLAHAY ,Nabigeena Muxamed ah,Diinteena Suuban ee Islaamka ah, Malaa’iigta  caaya aanu kaga Codsanayno in Maxkamaddaha dalka lagu soo rogo Xeer Ciqaabeedyo talaabooyin lagaga qaadayo dadka Aflagaadadaasi ku kaca, ILLAHAY-na khayr ha siiyee  Dr Yuusuf Ismaaciil Cali wuu naga aqbalay oo xata waxa uu ku daray Dadka Bulshada ku dhibaateeya Sixirka taas oo iyaduna ah dhibaato si weyn loogula kaco dad Muwaadiniin ah oo reer Somaliland”

Guddoomihaya Guddida Xumaan reebista iyo Wanaag farista  Maxamed Xaaji Maxamuud Xirsi   waxa uu si weyn ugu mahadceliyey Ciidanka Booliska Wasaraadaha ay khuseyso waxanu yidhi “Waxaan si weyn ugu mahdcelinayna dhamaan Booliiska Wasaaraddaha ay Kuseyso iyo Dawladaba sida wanaagsan ee ay noola hawlgalaan,mida kale waxaan u soo jeedinaya in dawladu arinka aanay dhayalsan ee ay Xil iska saarto oo sideeda loo fuliyo arinta Maxmadda sarre ku dhawaaqday,waxa sido kale aanu ka codsaneyna in dadweynaha Islaamka ahi ay marka ay arkaan Qof Aflagaadeynaya Nabiga Muxamed ah (NNKH)iyo Diinteena Islaamka,ILLAAHAY (SMW), iyo Malaa’iigta inay laba qor oo Markhaati ah u qabtaan dabadeedna Askari ugu yeedhan si daasna sharciga lagu mariyo”

Guddoomihaya Guddida Xumaan reebista iyo Wanaagfaristu waxanu ugu danbeyntii yidhi“Waxaan sido kale u mahad celineyna in Taliyaha Ciidanka Bileyska Somaliland Jananka  Ciidanka Bileyska Somaliland oo isna waraaqo noo soo qoray oo u sheegay Askarta inay talaabo ka qaadan Cid kasta oo wax Aflagaado ah kula kacda Nabigeena,Diinteena Islaamka, ILLAAHAY (smw),waxaan sido kale Hay’adda  Xumaan Reebista iyo Wanaag-farista Somaliland ay ka Xuntay Filim-ka wax lagaga sheegayo Nabigeena Suuban ee Muxamed ah filim-kaas oo uu aha mid been abuur ah, waxaan leenahay wax kasta oo si aan diinta iyo Anshaxatoona aheyn looga sheegayo Diinta  Islaamka iyo Nabigeena Muxamed ah”

Comments are closed.

WARARKII