Waxaa wax lala yaabo noqotay markii ay soo shaac baxday in xil ka qaadis lagu sameynaayo Abaan Duulaha Ciidamada Xooga Dalka General C/Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan”.
Raa’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa wuxuu General C/Kariin Yuusuf Aadan uu u sheegay in xil ka qaadis lagu sameynaayo.
Raa’isal Wasaaraha ayaa wuxuu tani uu ku macneeyay in loo baahan yahay isbedel muuqdo oo ay Xukuumadiisu ku sameyso Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee Qaranka.
General Dhaga Badan oo eheladiisa u sheegay ogeysiiska uga yimid dhinaca Raa’isal Wasaare Saacid, ayaa waxay ehelada Jananka ay durbaba warkaasi ka baahiyeen Warbaahinta qaar.
Suuqyada Magaalada Muqdisho iyo goobaha ay bulshadu ku badan tahay, ayaa waxaa wax fajac leh looga hadal hayaa hadalka Raa’isal Wasaaraha ee uu ku sheegay, in uu xilka ka xayuubinaayo General Dhaga Badan.
Dadka oo siyaabo kala duwan u weeraraaya Raa’isal Wasaaraha, ayaa waxay su’aal iska weydiinayaan “Waa maxay isbedel? Yaase isbedel u baahan in lagu sameeyo?
Dadka Soomaaliyeed ayaa intoodu badan rumeysan in General Dhaga Badan uu yahay shakhsi halyeey ah, kaalin mug lehna ka qaatay la dagaalanka Dowladdu ay kula jirto Xoogaga Shabaab.
Dardaarankii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan Madaxtooyada uu kula qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh, kahor intii aanu dalka ka amba bixin, uu kula dardaarmay in uu si gaar ah uu ula socdo rag ay ka mid yihiin General C/Qaadir Sheekh Cali Diini, General Dhaga Badan, General Gacma Duule, General Maxamed Maxamuud Saney iyo weliba Allaha u naxariistee Janankii geeriyooday ee General Maxamed Ibraahim Jordan, iyadoo raggaasi uu ku sheegay lafdhabarta Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo weliba rag daacad u ah Qaranka, kana go’an tahay ciribtirka Al Shabaab.