Mid kamid ah Dowladaha Islaamka oo Qaadacay in Xujaaj u dhalatay Dalkooda in ay aadaan Boqortooyada Sacuudiga

Wakaalada sida rasmiga ah wararka ugu faafisa dawlada Suuriya ee (SANA), ayaa ku warantay in sanadkan aanu dalkaasi wax xujaaj ah u diri doonin dalka Sucuudiga, si ay u soo gutaan waajibaadka diiniga ah ee xajka aynu u booqdaan labada xaram ee barakaysan.

Wakaalada wararka ee Suuriya ayaa sababta aanay dadka reer Suuriya u xajayn sanadkan ku macnaysan, awood la?aan aanay xukuumada dalkaasi awoodi karin inay dirto dadkeeda sababtoo ah ma jiro ayay tidhi wakaaladu wax xidhiidh iyo heshiis ah oo u dhexeeya Riyadh iyo Damascus.

Wakaalada ayaa sidoo kale cadaysay in gudida qaban qaabada xajka u qaabilsan dalka Suuriya ay sanadkan joojiyeen, gabi ahaanba hawlihii u diyaar garowga xajka iyo daad guraynta xujaajta ka dib markii wasaarada xajka ee dalka Sucuudigu goosatay xidhiidhkii ay la soo samayn jirtay wakaaladaas sanad kasta marka la gaadho wakhtiga xajka.

Bayaan ay soo saartay wakaalada xajka iyo qaban qabaadiisa u qaabilsan dalka Suuriya, ayaa lagu sheegay in hay?adaasi ay buuxisay dhamaan shuruudihii looga baahnaa laakiin ay ku guul daraysatay inay xidhiidh ka hesho dhinaca wasaarada xajka ee dalka Sucuudiga sidaa awgeed ay go?aansatay in aan sanadkan xujaaj reer Suuriya ah aanay dirin.

Talaabadan dawlada Suuriya qaadatay ayaa loo malaynayaa inay tahay mid siyaasadeed oo ay ku abuurayso, xiisad dhinaca diinta ah inay ka dhex abuurto shacabka Suuriya iyo maamulka Boqortooyada Sucuudi Arabiya oo si cadaan ah taageero ula garab istaagtay kooxaha kacdoonka ka wada dalkaas ee ka soo hor jeeda maamulka Asad.

Dawlada Boqortooyada Sucuudi Arabiya ayaa ka mid ah waddamo badan oo carbeed oo xidhiidhkii dublamaasiyadeed u gooyay dalka Suuriya markii bishii March ee 2011-kii dalkaas ay ka bilaabmeen kacdoonada lagaga soo horjeedo dawlada Suuriya, kuwaas oo maamulka Dimishiq kala hor tagay gacan bir ah, isla markaana ay ku dhinteen in ka badan todoba iyo labaatan kun oo qof oo shicib u badan, ka dib markii ciidamada milatariga Suuriya ku garaaceen diyaarado iyo taangiyo dadkii kacdoonka samaynayay iyo magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.

Faysal Maxamed Xasan
f.maxamed03@hotmail.com

Comments are closed.

WARARKII