Xildhibaan C/qaadir Maxamed Xasan (Indha-indho), ayaa sheegay inuu dhamaaday wakhtigii Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ay muddo dhaaf yihiin, isaga oo Golaha Wakiillada Somaliland-na u soo jeedyey inay dib u eegaan sharci nimadooda oo dib loo soo magacaabo ama ay goluhu muddo kordhin u sameeyaan, si ay xalaal u noqoto buu yidhi waxa ay xukumayaan iyo doorashada dhowaan dhici doonta ee ay ku dhawaaqi doonaan.
Xildhibaan Indha-indho oo shalay si gaar ah ugu waramay Wargeyska Saxansaxo iyo Telefishanka Somalichannel, ayaa waxa uu tilmaamay inay Komishanka Doorashooyinku ku sii shaqaynayeen muddadii loo ansixiyey Komishankii ka horeeyey ee la kala diray, isala markaana uu wakhtigii ka dhamaaday oo loo baahanyahay in dib loo soo sharciyeeyo.
Xildhibaan C/qaadir Maxamed Xasan (Indha-indho) isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxan leeyahay Qolada Komishanka Wakhtigoodii wuu dhamaaday oo waa muddo dhaaf, Golaha Wakiillada waxaan u soo jedin lahaa si ay u xalaaloobaan waxa ay Kumumayaan, in Muddo kordhin loo sameeyo ama dib loo Ansixiyo, hadii kale waa inay soo magacaabaan Hay’adihii soo Magacaabi jiray, si ay u xalaalowdo Doorashada ay ku dhawaaqi doonaan, markaa wakhtigoodii wuu dhamaaday oo waxa ay ku shaqaynayeen Wakhtigii Komishankii ka horeeyey ee la kala diray, markaa wakhtigii wuu ka dhamaaday, markaa taasi waxay noqonaysaa Doorashada soo socota ee dhowaan dalka ka dhacaysa ee la leeyahay ha maamulaan , waxa weeyaan dad xalaal ah ayaa maamuli kara, laakiin dad wakhtigoodii dhamaaday oo aan sharci ku fadhiyin ma maamuli karaan, iyaguna way ogyihiin Golaha Wkiiladuna way ogyihiin, markaa si ay Xalaal u xukumaan waa inay iygu xalaal noqdaan”
Si kastaba ha ahaatee arintan sharci nimada Komishanka ayaan la ogayn qaabka ay ugu codeeyeen Golaha Wakiilladu, taas oo ah inay ahayd mid shan sanno ah iyo mid ah inay sii shamays tiraan wakhtigii u hadhsanaa Komishankii ka horeeyey ee la kala diray, balse ay kala cadayn doonaan Golaha Wakiilladu nooca sharciyadeed ee Komishanku ku fadhiyaan wakhtigan.
buRAANNEWS.COM/hARGEYSA
