Muqdisho oo maanta Xaalkeeda Amaan Laga Arinsaday

kulan ay maanta isugu yimaadeen Wasiirka Arimha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumaeda waqtigeeda uu dhamaaday C/samad Macalin Maxamuud, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Saraakiiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya  iyo sidoo kale Sariil ka socotay Ciidamada AMISOM ayaa waxaa u ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid lagoo Arinsanayay Xaaladda Ammaan ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo sidii loo Adkeyn lahaa .

Maxamud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo Saxaafadda la hadlay kadib kulanka ayaa waxaa uu sheegay in kulankaasi inta uu socday Waxyaabihii la,isku soo hadal qaaday ay kamid ahaayeen Howlgallada Ciidamada Dowladda ay ka sameynayaan Magaalada Muqdisho iyo sidii loo sii Dar,dargalin lahaa .

Waxaa uu sheegya in kulankaasi ay kasoo bexeen Go,aanno wax ku ool ah oo ay ka mid tahay sidii loo Adkeyn lahaa Xaqiijinta Ammaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho isagoona Rajo Wanaagsan ka muujiyay Hirgalidda Qodobadan lagu heshiiyay..

Muddooyinkii ugu dambeeyayba waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ka soconaya howlgal ay sameynayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya kaasi oo sida Saraakiisha Ciidanka Dowladda ay sheegeen lagu xaqiijinayo Ammaanka Caasimadd.

 

Comments are closed.

WARARKII