Sida ay shegayaan wararka aan kaheleyno Degaanada Puntland ayaa shegaya in ay haatan so gaareyn Ciidamo kasocda Nato kuwaasi oo kusugan Xeebaha Soomaaliya ayagoo dagaalo kula jira Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida.
Saraakiil Nato kasocda ayaa kulamo laqaatay Waxgarad iyo Odayaal Kudhaqan Degaanka Caluule oo ka tirsan gobolka Bari ayaa waxa ay uga wada hadleen sidii ay Odayaasha dhaqanka ciidamada Nato uga gacan siin lahaayeen la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ah.

Cali Maxamuud oo kamid ah Odayaasha kulanka laqaatay Ciidamadaani ayaa Buraannews.com usheegay in Nato kawada shooreyn sidii loo cirib tiri lahaa burcad badeeda Soomaalida ah iyagoona u balan qaaday dadka deegaan hadii ay gacan ka siiyaan la dagaalanka Burcad Badeeda in ay ka taageerayaan adeegyada aas aasiga ah sida Caafimaadka, Shaqo Abuuris iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah dadka ku dhaqan deegaankaasi.
UGu Danbeyntii Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidama ka socdo dalal dhowr ah kuwaas oo ku howlan la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ah.