Qaar Ka Mid Ah Beelaha Waqooyiga Hargeysa Oo Sheegay Inay Qaadeceen Natiijada Hordhaca Ah Ee Doorshad Doorashada Deegaanka

Qaar ka mid ah hogaamiyaayasha dhaqanka ee beelaha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa, ayaa si adag ugu eedeeyay xisbiga talada haya ee Kulmiye in uu boobay codka murashixiin ka soo jeeda deegamadooda.

Kulan ay albaabadu u xidhan yihiin oo madax-dhaqameedkani galabta ku yeesheen guriga Suldaan Xiis Barre , ayaa lagaga wada hadlay sidii jawaab looga bixin lahaa cabashada ay tirsanayaan beelahan,iyada oo duqaydu ay aaminsan in la leexsaday codka raggii u sharaxnaa .

Beelanahn shirka yeeshay oo kala ah Cismaan Xuseen, Makaahiil , Reer Cabane Yaasuf iyo Adaraxmaan Sacad oo ka tirsan beesha Sacad Muuse , ayaa waxa ay sheegeen in boobka lagula kacay codkooda uu masuul ka yahay hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye , iyada oo la soo saaray ragg kale oo uu xisbigu si weyn u danaynayay,laakiin aan helin kalsoonida shacabka .

Markii kulanku dhamaaday waxa la isku afgartay in ergo loo diro madaxda xisbiga Kulmiye iyo xukuumada si loogala hadlo tabashada beelaha, hase ahaate waxa aan la sheegin wakhtiga ay labada dhinac is kulmi doonaan
Magacyada Sallaadiinta shirka ka qaybgashay:

1-Suldaan Xiise Bare.
2- Suldaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf.
3-Suldaan Jaamac Cismaan Aadan.
Sida oo kale waxa madasha ku sugnaa murashixiintii u tartamaysay beelahaas.

Comments are closed.

WARARKII