Qaar Ka Mid ah Hagaanka Urur Siyaasadeedka Nasiye Oo Sheegay Inay Guddoomiyaha Ururkaasi Sharcigana La Tiigsanayaan

Qaar ka mid ah Hogaanka sare ee Urur-siyaasadeedka Nasiye, ayaa sheegay inay Guddi u saareen oo ay baadhayaan sababta uu Guddoomiyaha Ururkaasi Axmed Muxumed (Axmed Talyaani) u qaadacay inuu Ururka Nasiye ka qayb galo Doorashada Goleyaasha deeganka oo uu u soo gudbay ka qayb galkeeda, waxaanay sheegeen  inay sharciga la tiigsan doonaan Guddoomiyaha haddii ay ku cadaato inuu isagu sabab u yahay inay ka hadhaan doorashooyinka dalka ka dhici doona 28-ka Bisha 11-aad ee sannadkan.

Guddoomiyaha Golaha Marjaca ee Ururka Nasiye Buraale Jibriil oo  u waramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa sheegay inay Guddi baadha u saareen  sababta Guddoomiyaha Ururkaasi Axmed Muxumed  ku kalliftay inuu qaadaco Doorashada Goleyaasha Deegaan , taas oo uu sheegeen inaanay la qabin oo uu kelidii go’aansaday , iyaga oo Buraale xusay inay sharciga la tiigsan doonaan Guddoomiyaha haddii ay ku cadaato inuu isagu sabab u yahay inay ka hadhaan doorashada Golaha Deegaanka, waxaanuu yidhi “Guddoomiyahaygu hadalka ka soo baxay maaha mid aanu ila ognahay oo kula soconay ama talo ka timi Hogaanka Ururka Nasiye, markaa waxba kama jiraan eedaymaha uu leeyahay Nasiye waxa loo aasaasay in lagu burburiyo Xisbiga Kulmiye . Ururka Nasiye ujeeddada loo aasaasay waxa ay ahayd mid cad oo dhalinyaro aqoonyahano ah ayaa aasaasay, kuwaas oo doonayey in dhalinyarada Somaliland fursad ugu yeelato in ay haleen goob ay kaga qayb qaataan talada dalka.”

Buraale Jibriil waxa uu eedayn u soo jeediyey Guddoomiyaha Ururka nasiye Axmed  Muxumed  (Axmed Talyaani) waxaanuu yidhi “Ururka Nasiye waxa burburiyey waa maamul xumada Guddoomiyahayga oo hawlihii Ururka si wacan u maamuli waayey, markaa in aanu wax kale ka hadlo maaha, waxaanan ku celinayaa in aanan Hogaan ahaan kula socon eedaymahaasi Guddoomiyaha Ururka Nasiye”

Sidoo kale  kale Guddoomiye ku xigeenka Ueurka Nasiye Xildhibaan C/qaadir Maxamed Xasan (Indha-indho) ayaa isaguna cadeeyey inay baadhayaan sababta uu Guddoomiyaha Ururkoodu u qaadacay Doorashad Goleyaasha Deegaanka, waxaanuu tilaamay inay Maxkamadda gayn doonaan haddii ay ku cadaato inuu isagu sabab u yahay, waxaanuu yidhi “Ururkii Nasiye ee aan Guddoomiye ku xigeenka ka ahaa si wanaagsan ayuu yeelay, laakiin waxaan leeyahay Qolada UDUB eel eh   Mudaharaad ha dhigo ee qaylinaya, waxaan leeyahay angu shuruudihii qodob ka mid ah ayaanu buuxinaynay, idinkana (UDUB) waxaan idiin leeyahay waa inaad dadka ka daysaan Mudaharaadka iyo waxa aad wadaan, idinka oo Lixdii qodob ee kaleba buuxin waayey, Todobada Urur ee kale ee soo hadhayna waan hambalyeynayaa, laakiin waxaan leeyahay Afar ayaa maalin dhow dhici doona waa inay tusaalahaas wanaagsan ee uu  Nasiye dhisay raacaan oo ay ku daydaan oo aan Umadda buuq iyo jahawareer la gelinin”

Xildhibaan C/qaadir Indha indho waxa uu intaas ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata “Wixii kharash ahaa ee Ururka dadku iyaga ayaa iska bixinayey Aduun la’aanna umaanaan dhicin, inta badanna waa la hayey, laakiin anagu waxaanu qabnaa in Guddoomiyuhu inaanay cid aan Ururka ahayn inta ay soo fara gelisay ay sabab u ahayd dhicitaanka Ururka Nasiye, markaa Guddi ka mid ah Ururka ayaa la magacaabay oo baadhaya cidda sababta u ah dhicista Ururka, waanay socotaa baadhistii oo taas ayaa lagu ogaan doonaa, laakiinanagu Guddoomiyaha lamaanaan ogayn Go’aanka uu qaatay,waxaana Guddoomiyaha Ururka Nasiye Axmed Talyaani la waydiinayaa sababta ku kaliftay inuu Ururka Doorashada ka reebo, arinta la baadhayaan waa arinta ah Doorashadii Gebi ahaanba waanu ka hadhnay, haddii ay ku cadaatana Guddoomiyaha waxaanu gayndoonaa Maxkamadda oo sharciga ayaanu la tiigsan doonaa”

Indha-indho waxa uu ugu dambayntii sheegay inaanay Ururkoodii hadhay aanuu ahayn mid Urur kale lagu ridayey oo uu Guddoomiyaha Ururkaasi Axmed Talyaani u gaar tahay arintaas uu sheegay oo aanay la qabin, waxaanuu yidhi “Waxan uu sheegayo ee ah in Ururka Nasiye uu ahaa Urur,  Urur kale lagu dilayey, waxaanu leenahay  waxba kama jiraan isaga ayey u gaar tahay, Ururka Nasiyena waxa uu ahaa Urur ay samaysteen Aqoonyahan iyo dhalinyaro oo aanay cidna ku lug lahayn oo Ururrada kale la mid ahaa”

 

Burraanews.com/Hargeysa

Comments are closed.

WARARKII