Qarax caawa ka dhacay Baladweyne AQRISO

Wararka naga soogaaraya Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayan in goordhaw uu halkaasi qarax qasaaro geestay uu kadhacay kaas oo lala eegtay ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ee halkaasi ku suganaa.

Qaraxaan ayaa waxa uu ahaa nuuca gacanta laga tuuro ayaa waxaa lala beegsaday Ciidamada Dowlada ee halkaasi ku sugan.

Waxaana ay wararka sheegayaan in goob maqaaxi ah lagu tuuray Banbaanadaan gacanta laga tuuro taas oo ay ka dhasheen qasaaro xoogan.

Waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya ilaa 2-ruux oo rayid waxaana ay wararka sheegayaan in Ciidamada Dowlada ee ku sugnaa Maqaaxida in uu san waxqasaaro ah  soo gaarin marka laga reebo dadkaan rayidkaa ee ku dhaawacmay.

Waxaana lagu soo waramayaa marka uu qaraxa dhacay kadin in ay Ciidamada Dowlada goobta uu qaraxaan ka dhacay isku gadaamay iyagoona howlgal kooban halkaasi ka ameeyay oo ay ka baadi goobayaan dadkii kadanbeeyay qaraxaan, xaalada ayaa ah iminka mid dagan

Baladweyne waxaa mararka qaar ka dhaca qaraxyo lala Bartilmaameydsado Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Caawinaya ee Ithopia

Comments are closed.

WARARKII