Qeylo Dhaan oo Maanta Muqdisho timid si weyna loogu soo dhaweeyay”Daawo Sawirada”

Waxaa Maanta Graoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo dagay fanaaniin katirsan Kooxda Qeylo dhaan oo ah kooxcku caanbaxday Heesaha Wadaniga gaar ahaan kuwa ka turjumaya Dareenka Shacabka Soomaaliyeed.

Fanaaniinta Qeylo dhaan katirsan ee Muqdisho maanta timid ayaa waxaa kamid ah Jooqle Shire Jaamac, Muusikiistaha C/xakiin Farayare kuwaa oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cdade ee Mgaalada Muqdisho.

Waxaana Soo dhaweynta Fanaanintan Soomaaliyeed maanta ka qeyb qaatay dadweyne fara badan kuwaa oo sacabaha u tumayay kuna soo dhaweenayay caleemo qoyan iyo boorar ay ku qornaayeen Halkudhigyo soo dhaweyn u badnaa kuna faraxsanaa in sanado badan kadib Fanaaniinta ay Maanta Muqdisho kusoo laabtaan.







 

Comments are closed.

WARARKII