Saraakiisha Midowga Yurub ee jooga xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo u jooga la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ayaa warbaxin ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in qatarta burcad badeeda Soomaalida sanadkaan ay hoos u dhaceen.
sanadkaan 2012 ee sii dhamaanaya ayaa weerarada kooxaha burcad baeeda waxa ay ahaayeen kuwo sii lidanayay marka loo eego sanadihii tagay.
waxaana kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay iyagu dhankooda afjayeen u hadlay oo lagu magacaabo Hasan Cabdi uu sheegay in wali ay yihiin kuwo wada weerarada hadana aysan jirin wax hoos u dhac ah.