Raysal-wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Oo Khaatumo Kafarxiyey Somalilandna Kanixiyey

Raysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo la hadlay warbaahinta Muqdisho, ayaa  Khaatumo state  ka tacsiyadeeyay dagaaladii ay la galeen ciidamadda Somaliland, waxaanu ku baaqay in xabbada la joojiyo oo nabada la raadiyo, isaga  oo simay  Khaatumo state  iyo  maamulka Somaliland  ayuu ku baaqay in labada dhinac nabada dhowraan.

Raysal-wasaare Saacid oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan Tacsiyadaynayaa dhibaatadii ka dhacday dhulka Khaatumo (Khaatumo state ), dhiig daataana mar kasta waanu ka xunahay, ku tallo-galkayagana khilaafaadka in xabad lagu xalilo maaha”

Mr Saacid, waxa kale oo uu soo qaaday “Waanu ka xunahay in sidaasi wax u dhacaan”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaanu ugu baaqaynaa dhinacyadda kala duwan way dhamaatay oo nabadgalyadda halloo soo jeedsado, gacan ka hadalkuna ha dhamaado”

Hadalkan ayaa u muuqda mid dawladda Somaliya ay ku aqoonsanayso Maamulka Khaatumo ee dagaalada kula jira somaliland oo sheegatay inay somalia ka madax banaan tahay  hadalka raisul wasaaraha waxa uu ka nixiyey maamulka somaliland oo mudo dheer ku taamayey inuu noqdo dal madax banaan khaatumo statena u yaqaan inay ka tirsan tahay   in kastoo uu hadalka  raisul wasaaruhu ka farxiyey  dadka ku abtirsada maamulka khaatumo state oo la kowsaday dagaal  oo aan wali meel la taaban karo aan gacan ku soo dhigin  dawladana ka helin wax taageero   shakina ku jiray in dawladu maamul u aqoonsantahay ayuu shakigii ka saaray Raysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)

Comments are closed.

WARARKII