|

Reysul wasaraha iyo madaxweynaha oo ukala dhoofay Italy iyo Ethopia”Daawo Sawirada’

Madaxda dowlada KMG ah gaar ahaan madaxweynaha iyo Reysul wasaaraha ayaa manta ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Labada masuul ayuu mid kusii jeeday wadanka Itoobiya halka kan kale uu ku sii jeeday magaalada Rome ee wadanka Talyaaniga,

Madaxweynaha Somalia Shariif Sh.Axmed iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb gali doona shirka madaxda Africa ee bari ka furmaaya magaalada Adis Abbaba ee wadanka Ethopia .

Hogaamiyaha TFG-da ayaa la filaya in uu uu halkaas ka sheego baahida dowladiisu ay uqabto in ay horey ukac sameeyaan ciidanka Amisom oo ay gaaran gobalada.

Reysul wasaare Gaas iyo wafdigiisa ayaa udhoofay Talyaaniga halkkaas oo sida uu sheegay uu ka helay casuumad rasmi ah.

Waxaa uu sheegay reysul wasaare C/wali in uu la kulmi doono dhigiisa wadanbka Talyaaniga uuna kala hadli doono arimaha Somalia .

Madaxda TFG-da ayaa isku dayaya in hanankooda cusub Somalia ay ka ibiyaan dowldaha daneeya arimaha Somalia .

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Leave a Reply