Saraakiisha Dowlada ee jubooyinka oo ka hadlayay dagaaladii ugu dambeeyay

Saraakiisha ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gobolada Jubbooyinka ,gaar ahaan deegaano ka tirsan Jubbada Hoose.

Aadan shire Rufle oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowlada ee ku sugan Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Jubbada Hoose ay ku dileen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan ALshabaab.

Aadan shire ayaa sheegay in horjoogayaal Alshabaab ay inay ku dileen deegaano ka tirsan Duleedka Kismaayo,waxaana uu sheegay inay la wareegeen deegaanka Biibi oo Alshabaab ay horay ay joogeen.

Dhanka kale wuxuu sheegay inay dhawaan gaari doonaan magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Aadan Shire ayaa xusay inay kaabiga ku hayaan Kismaayo,oo ay ku sugan yihiin deegaano dhowr KM ujira magaalada Kismaayo.

Alshabaab wali kama aysan hadlin hadalka kasoo yeeray saraakiisha ciidamada Dowlada ee ku sugan jubbada Hoose.

Comments are closed.

WARARKII