Sergio Ramos Oo Doonaya In Uu Iskaga Tago Real Madrid Iyo Sababta Keentay

Real Madrid ayaa halis ugu jirta in ay weydo xubin muhiim ah kadib markii la sheegay in Ciyaaryahanka difaaca uga ciyaara Sergio Ramos uu doonayo in uu kooxda isaga tago. Jariirada AS ayaa sheegtay in uu jiro khilaaf hoose oo udhaxeeya tababare Jose Mourinho iyo ciyaariyahan Sergio Ramos ,kaas oo aan wali si rasmi ah loo shaacin.

laacibkan wadanka Spain ayaa kursiga keydka lagaga tagay kulankii Real Madrid iyo Manchester City ,taas oo muujisay cadhada ka dhaxeysa Tababaraha iyo Ciyaaryahankan markaas oo iyada oo laga doorbiday Raphael Varane. Laacibkan ayaa isagoo 19 jir ah 2005-tii ku soo biiray kooxda Madrid isagoo ka yimid Sevilla ,laakin hada waxaa uu umuuqda mid xaaladu ku xun tahay. Sergio Ramos waa Ciyaaryahan ugu shacbiyada badan ciyaartooyda Real Madrid ,laakin waxaa uu lumiyay xiriirkii kala dhaxeeyay Jose.

Kooxda Man United ayaa digtoonaaw ugashay wararka hoose ee sheegaya in xidigaan uu kooxda ka tagayo.

 

Comments are closed.

WARARKII