Shabaab Maxay Marka ka yiraahdeen ?(xog muhiim ah )

Xilli Ciidanka Dowlada Soomaaliya iyo ku AMISOM ay dhawaan la wareegeen Magaalo Madaxda Gobolka Shabeedaha Hoose ee Marka iyo Deegaanno kale oo ka tirsan Gobolkaasi ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Ururka Al-Shabaab .

Saraakiisha Ururka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxa ay sheegeen in ay mar waliba la wareegi karaan gacan ku heynta Magaalo Madaxda Gobolkaasi ee Marka isla markaasina wixii ay doonaan ay ka sameysan karaan.

 

Gudoomiyaha Al-shabaab ee Shabeelada Hoose Sheikh Maxamed Abu Cabdalla ayaa waxaa uu sheegya in Qaraxyo ay ka fuliyaan Magaalada Marka waxaana uu tilmaamay in Deegaanka ceel jaalle ay mar waliba ay ku qaadaan Weerro sida ay sheegeen Qorsheysan.

Axmed Macalin Cabdi raxmaan Gudoomiyaha Magaalada Marka ee Dawladda ayaa waxaa uu  beeniyey in falal Ammaan darro ah  ay Ururka Al-shabaab ka sameeyaan Magaaladaasi waxaase uu qiray in Weeraro  dhuumasho ah ay mararka qaar ka sameeyaan Gudaha Marka.

 

Gudoomiyaha ayaa xusay in Magaalada  Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelada Hoose in ay ahayd meeshii ugu badneyd ay Shabaabku sida weyn Udeggenaayeen Islamarkaana ay ku adag tahay inay Xakameeyaan Dadka ku dhaqan Magaalada maadaama aysan kala aqoon Dadka Falalka amni daro wada.

Marka iyo Deegaanada ku dhaw dhaw waxaa Gacanta ku haya Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxaana Magaaladaasi ay aheyd Magaaladii ay ku sugnaayeen Cududdii ugu Xooganeyd ee ururka Al-shabaab.

Comments are closed.

WARARKII