Waxa xaalad Kacsanaan aha laga dareemayaaa Magaalo Xeebeedka Kismaayo halkaasi oo maanta Deegaanno ku Dhaw dhaw ay Dagaallo ka dheceen .
Wararka aynu ka heleyno Magalada Kismaayo ayaa sheegay in halkaasi ay isaga Bexeen Saraakiishii Ururka Al-shabaab sida ay inoo Xaqiijiyeen Qaar kamid ah Dadka Deegaanka oo aynu la xiriirnay .
Magaalgada Kismaayo Xeebteeda ayaa Maanta waxaa lagu Arkayay Maraakiibta Dagaalka Kuwaas oo sida la sheegay qeyb ka noqon doona Dagaalka Lagula jiro Xarakada Shabaab .
Xaafadda Calanleey iyo Xaafadda Guulwade waa halka ugu badan oo ay ku sugnaayeen Shabaabka Kismaayo waxaana ay Faarujiyeen Galabta iyagoo qaatay dhamaan Agabkoodi.
Waxaana Wararku sheegayaan in Idaacadda Andulus oo iyadu Maalmahaan si toosa ah u soo tabineysay Dagaalada ay fur fureen Qalabkeedii ayna gabi ahaan Qalabakaasi qaateen sida la Xaqiijiyay waxaana la ogeyn halka ay aadeen Shabaabkii kismaayo ee iyagu isga baxay Magaaladaasi.
Sidoo kale waxa ay faarujiyeen Saldhiggii Magaalada waxaana Gabi ahaan Magaalada Kismaayo ay Caawa tahay mid Maamul la,aan ah Maadaama Shabaabkii Maamulayay ay isaga bexeen walina Ciidanka Dowdda aaney soo gaarin
Saraakiil u hadashay Dowdda waxaa ay sheeegeen in ay soo Afjaridoonaan Saacadaha soo aadan Dagaalka ay kula jiraan Ururka Shabaab.
Magaalada kismaayo haddii ay Gacanta ku dhigaan waxa ay noqoneysaa Guul ay ka gaareen Ciidanka Dowladda iyo kuwa KENYA Dagaalka Jubbada Hoose Gaar ahaan magaalada Kismaayo oo ah Magaalo Istiraatiiji ah .