Kadib kulan ka dhacay Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay ayaa Mahad C/kariin oo ah Guddoomiyaha Gobollada Baay iyo Bakool ugu magacaaban Ururka Al-shabaab ayaa waxaa uu sheegay in Maal ihii lasoo dhaafay la hadal hayay Barakac ka dhacayay Magaalada Kismaayo.Waxaa uu sheegay in taasi Badalkeeda ay Muqdisho ka Barakiciyeen Qurba jog dib ugu soo laabanayay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho sida uu sheegay.
Gudoomiha Al-shabaab ugu magacaaban Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa uu sheegay in sida loo buun buuniyay aaney Kismaayo dadku uga Barakicin waxana uu tilmaamay in arintaasi Badalkeeda ay iyagu Barakiciyeen Qurba joogtii Dib ugu soo laabanayay Muqdisho.
Mahad C/kariin ayaa waxaa uu soo hadal qaaday Qaraxii Ismiidaamin ahaa ee dhawaan ka dhacay gob lagu Shaaho oo kutaal Daarta Hooyooyinka ee Degmada Xamarweyne .
Waxaa uu sheegya in ay aad ugu faraxsan yihiin Qasaarihii soo gaaray Bahda Saxaafadda isagoo sheegay in Wariyaashaasi ay ahaayeen kuwo Taageerayay wax uu ku sheegay in ay yihiin Gaalo sida uu Tilmaamay.
Si kastaba Hadalkan ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo muddooyinkii Dabme ay dib ugu soo laabanayeen Muqdisho Qurba jog in Muddo ah ka maqnaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo guuda ahaan Dalka.