Shan Urur-Siyaasadeed Oo Kulan Albaabaudu U Xidhanyihiin Ku Yeeshay Hargeysa, Nuxurka Qodobada Ay Kagaga Wada Hadleen

Shan Urur Siyaasadeed oo kala ah Ururka Xaqsoor ah,Xisbiga Ucid, Ururka Wadani, Uruka Rays, Ururka Umadda , ayaa shalay kulan ay albaabadu u xidhanyihiin ku yeeshay Xafiiska Urur-siyaasadeedka Xaqsoor ee Magaalada Hargeysa, kaas oo ahaa mid ay Saxaafaddu dibedda ka joogtay intii uu socday.

Kulankan ay shalay yesheen shantan Urur-siyaasadeed, ayaa la sheegay inay kaga wada hadleen caqabadaha hortaagan Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee la filayo inay dalka ka dhacdo 28-ka Bisha 11-aad ee Sannadkan,  iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen waxyaabaha la soo dersa, iyaga oo Ururradaasi kulanka ay shalay yeesheen kaga wada hadlay  Labada xi lee uu hayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Waddani, mtaas oo la sheegay inay berry Khamiista u ballameen inay arintaasi kaga hadlaan kulan ay iskugu iman doonaan.

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac oo markii uu kulankaasi dhamaaday Warbaahinta uga waramay waxyaabaha ay kaga hadleen kulankan ay yeesheen shantan Urur ee Albaabadu u xidhnaayeen, ayaa waxa uu yidhi “Waxanu halkan isugu nimid Ururaddii Siyaasadda ee Somaliland waa 7-dii Urur Siyaasaddeed ee soo baxay, markaa waxa fadhigayaga ka mid ah anaga oo Ururka Xaqsoor ah,Xisbiga Ucid, Ururka Wadani, Uruka Rays, Ururka Umadda  halka aanu rajeynayno inay labada kale ee hadhayna kulanka danbe nagu soo biiri doonaan dhamaantayo waxaanu wadaagnaa dano ay leeyihiin Ururada Siyaasadu aanu ka mid yahay qaabka Doorashada loo galaayo iyo Sharciga Doorashada lagu gelaayo iyo sida loo kala baxaayo marka ay doorashadu dhamaato,arimaha ayaanu wax iska nidhi”

 

Buraannews.com/Hargeysa

Comments are closed.

WARARKII