Warar hoose oo ay ka heleyso Shabakada Wararka Buraannews.com ee Magaalada Nairobi Ee Xarunta dalka Kenya ayaa ku waramaya in uu xalay kulan xasaasi ahi ku dhex maray hutelka lagu magacaabo garaan rijansi ee ku yaala Nairobi masuuliyiin ay ka mid yihiin Shariif Xasan Sheikh Aadan oo horay u ahaa gudoomiyihii Baarlamaankii KMG haa Ee Soomalia Faarax Macalin oo ah gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Dalka Kenya Ilyaas Bare Shiil oo ah xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Kenya iyo Saraakiil kale oo katirsan dowladda Kenya .
Waxana wararku sheegayaan in kulanka looga hadlayay sidii Shariif Xasan loogu Qanci Lahaa in Xildhibaanada Isaga taageersan ee ku jira Baaarlamaaka Soomalia Codkooda ay siiyaan C/wali Maxamed Cali Gaas oo ah Musharax u taagan Qabashada Xilka Madaxtinimo ee dalka Soomalia.
Kaas oo la sheegayo in dowlada Kenya ay Si aad ah gadaal uga riixeyso arinkaas u jeedka ay ka leedahayna waxaa lagu sheegay in dowlada Kenya ay dooneyso in loo fuliyo heshiiskii bada ee uu Hor istaagay Baarlamaankii KMG haa Ee dalka soomalia
Shariif Xasan Sheikh Aadan oo horay ugu tartamayay xilka Madaxwaynaha Soomalia hase ahaatee rajadaasi lumiyay markii uu gudoomiye baarlamaan noqday Prof Jawaari ayaa Shalay waxaa ugu yimid Magaalada Muqdisho Taliye Ku xigeenka Sirdoonka dalka Kenya oo isagu markaa u qaaday Magaalada Nairobi
Si ay dowlada Kenya uga dhaadhiciso in codadka uu ku leeyahay Baarlamaanka uu ugu shubo Dr Cabdi wali Gaas oo dowlada Kenya ay la doon dooneyso in uu noqdo Madax waynaha dalka ayna Aamisnsan tahay in uu ufuli karo Heshiiskii bada ee dhicisoobay kol hore .
In kastoo uu san ahayn shirkoodu mid xog dheeraad ah laga helay hadana ilo xog ogaal ah oo la hadlay Shabakada Badweyn kuna sugan Nairobi ayaa sheegaya in arinka ugu wayn ee shariifku uu u tagay Nairobi uu yahay sida aan soo sheegnay oo ah in Kenya bada laga iibiyo ..