Shirkadii Kaluunka ee LAASQORAY TONAFISH ayaa Warar hoose sheegayaan inay u burburdhay oo iminka u xidhantahay arrin la Xiriirdha dhinaca Maamulka Shirkadaasi ,Habka ay wax u marayeen oo Noqday mid aan suuqgeyntiisu wanaagsanayn iyo Ganacsatadii Shirkada Hodman ee la Wareegtay Laasqoray oo la Sheegay inay gacan saar la leeyihiin kooxo Budhcad badeed somaliyeed oo haatan ka Hor markiib ay ugu soo xidheen Xeebta Cadcado ee ka tirsan Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.
Laasqorat Tonafish Iminka wax shaqo ah ma hayso Mana Jirto Wax ganacsato ah iyo Maamulka Shirkadaasi halka ku shegeen Meesha ay ku dameysey Ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqii shirkada Kaluunka ee Laasqoray Tonafisha ,Mareeyaha Guud ee Shirada Kaluunka Laasqoray C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa Sanad Ka Hor Saxaafada u sheeegay inay shirkada dardargelinayaan lakiin Suuq Xumada kaluunka ee Laasqoray ay qayb ka yihiin Koxo Budhcad badeeda ah balse ma Jirto haatan wax warar oo Maamulka Shirkadu ka soo saaray Shaqo Xumada soo wajahdey SHirkadaasi oo dadka ay qaar sheegayaan inay kacday shirkadu sababo maamul xumo ah Awogood.
Dhinaca kale Xubno ka mid Shaqaalaha Wershada kaluunka ee aan ku soo boonay Magaalada Laasqoray ee Xarunta shaqada ayaa shaaciyey inaysan wax shaqo ah ka Jirin mudo sanad ka dib ah Wershada Laasqoray,waxaana la shaagey in kaluunka uu yahay mid caadi ah balse ay ka dheeliday dhinaca Maamulka oo loo baahanyahay in dad qibrad iyo waayo aragnimo ah ay ka mid Noqdaan Shaqaalaha iyo Maamulka Sare ee SHirkada balse aan loo baahnayn dad dana gaara kuwata iyo ganacsato kooban oo Horbooda Shirkada Laasqoray.
Axmed Suldaan /Sanaag Laasqoray