Silaanyo oo xilka kaqaaday Taliyihii Cidamada Somaliland
War habeenkii kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland aya lagu shaaciye in xilka looga qaaday Taliyaha Ciidamada Somaliland Maxamed Cabdulaahi Xasan Jirif waxaana loo magacaabay taliye cusub.
Wareegtadaan kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Silaanyo aya algu sheegay in xilka looga qaaday isla markaa loo magacaabay taliye cusub kasoo lagu magacaabo Ismaciil Shaqalle.
Wararka qaar ayaa loo sabababaynaa xilka qaadista taliyaha hore oo isagu laftiisa waqti yar xilkaasi hayey, hase yeeshee waxay xilka qaadistan ku soo beegantay iyadoo xaalad dagaal ay ka jirto degaanada Sool iyo Sanaag.
Ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka cusub ee Khaatumo State ayaa beryihii u dambeeyay dagaalo culus oo khasaare badan sababay ku dhexmarayeen duleedka degmada Buuhoodle.
Isku sowada duub xiisado colaadeed oo u dhexeeya labada dhinac ayaa ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood iyo deegaanka Gambara ee gobolka Sool.
