Somaliland Oo Ka Hadashay Rabshada Khasaaraha Keenay Ee Ka Dhacay Hargeysa Iyo Cabashad Ururka Xaqsoor

Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay shaqaaqooyinkii shalay iyo habeen hore ka dhacay degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa oo ay ku dhinteen laba qof kuna dhaawacmeen illaa todoba (7) qof.

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland. Md, Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo taliyaha ciidanka booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo maanta u waramay laanta af-soomaliga BBCda,ayaa ka digay khatarta muranka  ka dhashay ee najiitadii doorashada ee habeen hore lagu dhaawaqay.
Wasiir Duur waxa uu sheegay in ay xukuumada ka shaqaysay sidii Sallaadiinta iyo madaxda ururka Xaqsoor u dejin lahaayeen xiisada taagan, waxaana uu dadka taageera ururka ugu baaqay in ay kicin qalalaase, isaga oo ku tilmaamay guddoomiye Muj. Xasan Ciise Jaamac yahay muj. Wadanka  u soo halgamay wax badan u soo qabtay Somaliland, waxaanuu yidhi “Runtii waxa aanu ilaa xalay (habeen hore) ka shaqaynaynay in aanu helno Salaadiinta iyo Hogaanka Urur-siyaasadeedka Xaqsoor oo runtii ah nin dalka u soo halgamay, markaa waxa aanu doonaynay in arrinta halkaas aanu ku dhammayno oo si dublamaasiyadeed arrinta loo dhammeeyo. Xasan Ciisanna waxaan leeyahay samcada haka dilinna, kuwa leh mudaharaad dhiga ee TV-yada ka hadlayana waxaan leeyahay Addeer ka daaya”
Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ku baaqay rabshada la joojiyo nabad galyadana la ilaaliyo, waxaanu sheegay in mudaharaadyada lagu baaqay ay sii xumayn doonaan xaalada hadda oo qasan, isla markaana loo baahan yahay in la joojiyo xasaradaha oo wixii khalad dhacayna la soxo, waxanuu yidhi “Waxa lagu dhawaqay natiijadii doorashooyinka, taas oo aan qancin Ururka Xaqsoor, waxaana dhacay rabshado, taas oo ay ku dhinteen hal qof qaar kalena ay ku dhaawacmeen,aad ayaanu uga xunnahay waananu ka tacsiyadaynaynaa wixii dhacay iyo ciddii wax ku noqotayba, waxanu wadnaa sidii loo xallin lahaa arintaas oo dhinaca Ururka iyo dawladaba sidii khaladka loo sixi lahaana waanu soo jeedinayn”

Comments are closed.

WARARKII