Soomaaliland” waan soo Dhaweyneynaa Isbadalka Cusub ee Soomaaliya maadaama aanu nahay 2 Dowladood oo Deris ah

Cali Xaamud Jiriil Wasiirku xigeenka  Waxbarshada Maamulma Soomaaliland ayaa waxa soo dhaweeyay Doorashadii dhawan ka dhacday Magaalada Muqdisho  ee lagu doortay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud .

Wasiirku waxa uu sheegay in ay Soomaaliland ay soo dhaweyneyso Hogaanka cusub ee uu yeeshay Dalka iyo waliba is badalka dhanka Siyaasadda ah ee ay Soomaaliya dhawaan yeelatay.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada Maamulka Soomaaliland Cali Xaamud Jibriil waxa uu sheegay in ay halkoodii kasii soconayaan wada hadalladii ay lahaayeen Maamulka Soomaalilad iyo sidoo kale Dowladda Soomaaliya waxaana uu sheegay in waxa ay ka wada hadlayaan aaney aheyn Midnimo,waxa uu sheegya in Soomaaliland ay tahay Dal ka Madaxbanaan Soomaaliya inteeda kale  .

 

Waxa uu tilmaamay in marnaba aaney joogsan doonin Xiriirka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland  isagoo tilmaamay inay wax wanaagsan tahay in Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho a ay ka dhacdo doorasho Madaxtnimo .

Sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay isu tanaasulkii ay sameeyeen Madaxda Dalka Soomaaliya sida Madaxweynihii hore iyo sidoo kale Madaxweyhana cusub ee Soomaaliya .

Maamulka Soomaaliland ayaa wali ku adkeysanaya in ka go,een Soomaaliya inteeda kale oo ay yihin Dowlad gaar ah oo gooni u taagan

Comments are closed.

WARARKII