waxaan jelaan lahaa inaan fikirkayga ku aadan raisul wasaaraha soomaalia inaan cabiro iyo marxalada hada dalka soomaalia marayo qofkee ka bixi kara mase cidee loo dhiibi karaa marxalada lagu jiro waxaan kula talin lahaa madaxwaynaha cusub xasan sheekh maxamuud inuu maskaxdiisa si fiican u cabiro uusan dhagaysan dad dano gaara leh ama jelaysanaya inay helaan jagada wasiirka koowaad soomaalia waxa aad moodaa hada inay wax ku qaybsanayaa 4.5 ka oo in mudo ah soo shaqeynayey waxa raisul wasaaraha ama madaxwaynaha isku haystay in mudo ah beesha daarood iyo beesha hawiye hada waxa uu wax ku soo magacaabayaa madaxwaynuhu waa awood qaybsi ku salaysan 4.5 maadaama uu sidaa wax ku soo xulayo waxaan kula talinayaa in uu aad iyo aad u cabiro cida uu ka dhigayo koley waa daarood daaroodna waxa sharaxan waa dhowr reer daaroodna ma wada socdo oo ninba iskuu ayuu u carayaa daarood cidwalba waa lagu soo eegay aan ka ahayn reer ka la yiraahdo warsangali oo aan iyagu marnaba danayn siyaasada lagu muransan yahay .
waxaan uyara iftiiminayaa jadan raisulwasaaraha hadii uu ka dhigo dhulbahante horey ayey usoo qabteen waana la ogaa dawladaasi wixii ay ku danbaysay waxaan muran iyo isqab qabsi ahayn ma aysan keenin dadkii la rabay inay isu keento ayey iska hor keentay waxaana raisul wasaare ka ahaa cali khaliif galaydh oo isu arkayey inuu majeerteen hadii uu puntland ka dumiyo in dhulbahante wax noqonayo waana la ogaa wixii kadhacay puntlad in dhiig sokeeye ka dhacay .
waxa noqday reerka majeerteen la yiraahdo oo ay mareexaanku si kale u arkaan oo ay guruubyo usamaystaan si ay majeerkeen u siijin lahaayeen jagadaas waxaana ka dhaxeeya labada reer ee walaalaha ah is fiirsi dheer oo aan macna wayn ku fadhiyin dawlad walbana wax yeeli kara maadaama marka in majeerteen ah uu raisulwasaare noqdo mareexaan kuma faraxsana majeerteena waxa u dhisan maamul ay ku gor gortamaan oo aan la inkiri karin markaa hadii raisul wasaaraha laga dhigo mareexaan majeerteen ayaan ku faraxsanayn runtiina marka mareexaan uu noqdo raisulwasaare waxba uma ogola majeerteen waana dhacday cabdullaahi farmaajo marlii uu raisul wasaaraha noqday hadalkiisi u horeeyey waxa uu ahaa puntalnd waxa fiican shacabka ilaakiin waa inla badalo dawladeeda waa hadal siyaasadaynsan waana laga qoray farmaajo ma sii socon siyaasadiisi dawladii oo aad u taagdaran ayuu reer galbddekiina ula dhaqmay sidii in ay dawlad qaran u dhisantahay hadaladii marxuun maxamed siyaad bare ayuu soo copy gareeyey waana la ogaa meeshii uu maray hadana macne uu keenayo iima muuqdo ;
hadii uu daarood dhaafsiiyo raisul wasaaraha oo uu kadhigo madaxwaynuhu qolyahay kale ee soomaaliyeed ilamaha in ay macne keenayso isaaq iyo gudabiirsay iyo dir iwm itaasi hada macne ma keenayo hadii loo magacaabo raisul wasaare sababta oo ah isaaq wali ma wada socdo oo isaaq marka laga dhigayo waa in soomaalia iyo soomaalilad loo wada hadla marka lawada heshiiyo ka bacdi awood qaybsi yimaadaa maadaama ay dawlad madax banaan sheegteen .
guda biirsay waa reer aad u yar oo aqoonyahan meh qaban kara xilkaas ilaakiin waxa ka hor imanaya hada xaalada wadanka oo adag darteen reerkaasi waxa wax loo dhiibi karaa soomaalia oo israacda dalwad cadaalad ah la helo ilaakiin hada cid isuma keeni karaan iskumana xiri karaan puntland iyo somalilad iyo somalia ,
dir hadii aan ka hadalno diri waxa ay noqotay soomaalia oo dhan meelwalba waa joogaan waxayna ku dhexmilmeen soomaalidii kale magacoodana waxxa hada isticmaala hawiye ,guda biirsay .isaaq,ciise iyo digil iyo mirifle markaa hada maba garanayo sabab looga dhigo maadaama ay soomaalida oo dhami dirtahay daarood mooyee .
ugaadeen hadii laga dhigi lahaa waxa ay ku kala qaybsan yihiin kenya iyo ethoipia somalia waxa ka degaana saas uma badna sidaa daraadeen uma muuqato inay noqon karaan .
leyle kase iyo dashiishe labadaasina waxa ay ka turjumi karaan daarood ilaa kiin ma keeni karaan walaalaha waqooyiga ee somaliland markaa hadii laga dhigo wax macna leh ma soo kordhin karto fikirkayga waxaan hadal kayga ku soo gunaanadayaa madaxwaynaha inuu caqli isticmaalo oo meesha keeno nin reer somalilad ah reer puntland ah moo siyaasada ku cusub aqoona leh aqoontiisa ay ugu horeyso siyaasada reer galbeedkana ay ku qanacsan yihiin qobo walbaaana u soo hogan karto oo soomaali ah cadow lahayn xadaarad leh ka soo jeeda deegaan xeeb leh qurbaawi ah hunguri xumayn waana la helayaa cidkalena laga heli maayo aan ahayn wax siyaada soomaalia daacad ka ah waa reer ka la yiraahdo warsangali oo waqooyi iyo somaliaba degan puntland iyo somaliland ah furaha koowaad ee isku xiri kara labada qolona ay is dhaleen isku dhaqan yihiin isku deegaan iyihiin siimaalida kalena ay ku kalsoon yihiin hadii loo dhiibo ra isul wasaaraha somali marnaba ma aysan qaban mana aysan danaynen ilaa kiin hada markii ay u dulqaadan waayeen waxa socda ayey waxa ay u soo xuleen rag aqoon leh oo gaaraya ilaa 7 qof midba midka kale ka daran yahay waxaan madax waynaha kula talinayaa jaanis maanta ayuu jiraa ee ka faa iidayso
Qoraaga Maqaalka
Amiin C/raxmaan Siciid Galaydh