Taliska Booliiska Degmada Shibis oo ka hadlay howlgal ciidankoodu ay Dad kusoo qabqabteen oo ka dhacay Degmadaasi

Muqtaar Xaaji Cumar Taliyaha ciidamada Booliiska Degmada Shibis oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka warbixiyay howlgalo ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka sameeyen Degmadaasi.

wuxuu sheegay Taliyaha  in howlgal ciidamada dowladda ay sameeyeen lagu soo qab qabtay afar qof oo falal dil ah ka geestay Degmadaasi.

 

Wuxuu sheegay in raga lasoo qabtay uu kujiro Macalin Dugsi Qur’aan iyo saddex qofkale kuwaasi oo lagu eedeenayo dilkii habeen hore ka dhacay Degmadaasi.

 

Isaga oo hadalka siiwata taliyaha ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabadsugidda iyo Booliiska ay iminka gacanta ku hayaan dadkaasi islamarkaana baaritaano ay ku socdaan sharcigana la horgeyn doono.

Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho ayaa habeen hore waxaa dil loogu geestay Zakariye Maxamed Maxamuud oo ahaa Cameraman ka shaqeesta aroosyada.

Comments are closed.

WARARKII