Taliska Demada Xamarweyne ayaa waxa uu sheegay in ay Gacanta kusoo dhigeen Dad lala xiriirinayo in ay ku lug leeyihiin Qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee Dadka badani ay ku waxyeelooben kaasi oo xalay ka dhacay Degmada Xamarweyne.
Taliyaha Booliska Degmada Xamarweyne Maxamed Daahir ayaa waxaa uu sheegay in ay haatan Gacanta ku hayaan Dad sida uu sheegya ay kaga Shakisan yihiin in ay wax ka ogyihiin Weerarada lagu qaaday goobta lagu Shaaho ee ku taal Xarunta Hooyooyinka Degmada Xamarweyna kaasi oo ay Dad badani waxyeello ka soo gaartay .
Waxaa uu sheegay in Dadkani ay Baaritaanno ku soconayaan haddii ay kusoo cadaadaan Dambiyada loo heystana Maxkamadda la horgeyn doono si loogu qaado Dambigooda sida uu sheegay.
Waxaa u sheegay in Dadkani ay gacanta kusoo dhigeen kadib howlgallo ay ka sameeyeeen agagaarka halka uu qaraxa ka dhacay waxaana uu sheegay in ay adkeyn doonaan Ammaanka Degmada Xamarweyne oo kamid aheyd Degmooyinka ugu Ammanka roon Muqdisho.
Mas,uuliyadda Weerarkii xalay ee sababay Dhimashada in ka badan 14 Ruux oo ay Seddax kamid ah ay ahaayeen Wariyaal ka howlgali jiray Muqdisho iyo dhawaac intaasi ka sii badan ayaa ilaa hadda jirin cid sheegatay,