Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Arimaha Soomaliya Michel Cervone iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta Waxa ay gaareen y Magaalada Garowe iyagoona kulamo la qaatay Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Faroole.
Sidoo kale kulanka waxaa Xaadir ku ahaa Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Puntlan C/samad Cali Shire iyo sidoo kale Xubnaha Wasiirada Maamulkaasi Puntland.
Kulankan ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Mamul Goboleedka Puntland ee Garoowe waxaana uu ahaa kulankaasi mid Saxaafadda ay Dibad joog ka ahaayeen.
Markii uu kulankaasi soo Idlaaday ka dib ayaa waxaa Saxaafadda si wada jir ah ula hadlay Wakiilka Gaarka ah ee midowga yurub iyo Madaxwaynaha Puntland,
Ugu horeyn waxaa Saxaafadda la hadlay Madaxweynaha Maamulka Puntland waxaana uu sheegay in ay ka wada hadleen Arimo Badan oo sida u sheegay dani ay ugu jirto Shacabka Reer Puntland iyo Guud ahaan Dadka Soomaaliyeed.
Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michel Cervone oo isna dhiciisa halkaasi ka hadalay ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu yimaado Garoowe isagoona Ammaan u jeediyay Maamulka Puntland taasi oo ku aadan sidii ay Puntland kaga qeyb qaadatay in laga baxo KMG-ka
Wakiilka ayaa isagu waxaa uu dhawaan kulamo la qaatay Madaxda Dalka Soomaaliya isagona socdaal kusoo kala bixiyay Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa