Baaq Taageero Isbedalka Cusub Ee Dalka
Ururka Islaax waxa uu ugu hambalyeynayaa shacabka Somaliyeed isbedalka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, laguna doortay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud si uu wadanka u hogaamiyo.
Ururka Islaax waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxwaynaha la doortay Xasan Sheekh Maxamuud una muujinayaan taageero buuxda, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu la garab gallo xilkiisa culus.
Waxa kale oo uu ururku u hambalyeynayaa Guddoomiyaha iyo xildhibaanada baarlamaanka cusub.
Ururka Islaax wuxuu ugu baaqayaa dhammaan xoogaga siyaasadeed iyo ururada bulshada rayidka ah qaybahooda kala duwan inay si hagar la’aan ah u garab istaagaan hogaanka cusub ee dalka, si loo gaadho himilooyinka la hiigsanayo.
Ururka Islaax waxa uu ugu baaqayaa dhammaan dawladaha Saaxiibka la ah Somaliya, urur goboleedyada iyo beesha caalamkaba in la siiyo dawlada Somaliya kaalmada iyo gacanta ay u baahan tahay si dalkeena hooyo uu mar kale cagihiisa isugu taago.
Wabilaahi Towfiif
Dr Cali Baashi Cumar Xaaji
Guddoomiyaha Ururka