Urur-siyaasadeedka WADANI ayaa aanta
Xaflad soo dhawaan ah ugu sameeyey Huteel-ka Scandenvian ee Magaalada Hargeysa, Murashaxa Maxamuud Xuseen Caabi (indhacase) oo ka mid noqondoona Murashaxiinta Ururka WADANI uga Tartami doona Doorashada Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa.
Munaasibadan loogu Wanqalayey Murashaxa Doorashada Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa Maxamuud Xuseen Caabi (Indhacase) oo ka mid aha Xildhibaanada haatan Xilku ka dhamaaday ee Golaha deegaanka Hargeysa, ayaa waxa ka qayb galay Munaasibadan Murashaxa lugu soo bandhigayey Masuuliyeenta Sar Sare ee Ururka Siyaasadeedka WADANI, waxana ka mid aha Guddoomiyaha Ururka WADANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mr C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ,Sh. Maxamed Cali Geedi oo ka tirsan Masuuliyiinta Sare ee Ururka WADANI,Guddoomiyaha Sadexaad ee Ururka WADANI C/laahi Siciid (Siciid dheere),Chief Caaqil Aabi Xasan C/laahi,Xildhibaano, Salaadiin, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween iyo Taageerayaal aad u tiro badan oo ka tirsan Ururka WADANI.
Guddoomiyaha Ururka WADANI C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu si weyn u soo dhaweeyey Murashaxnimada Maxamuud (Indhacase) waxanu yidhi “Waxaan halkan uga mahadnaqaya Beesha halkan noogu keentay Murashax in badan halkan lagaga sheekeeyey Taariikhdiisa waa Murashax Maxamuud Xuseen Caabi (Inadhacae) waxa hore halkan reerka uu ka soo jeedo Murashaxu ay ku tilmaameen in ay yihiin sida Jinacduulaanka oo uu reerku meel wada maro oonay kala baydh baydhin marka waxaan filaya inay Murashaxa Codkooda si wada jir ah u wada siindoonaan,waxanan filaya in hadii ALLE yidhaahdo uu Guulaysandoono Murashax Maxamuud (Indhacase)waana Nin waayo arag ah oo aqoon u leh Xirfada Xilka Golaha Deegaanka ee uu u sharaxan yahay ee lagaga shaqeeyo Dawlahada Hoose,kolka waxaan rajeynaya in marka aad soo saartaan Murashax Maxamuud Indhacase) uu Codkiisuna soo saaridoono Ururka WADANI”
Sheekh Maxamed Cali Geedi oo isna Madasha ka hadlay waxa uu yidhi“Waxa wanaagsan in ALLE aynu ka baqno oo aynu raacno dhaqanka islaamka oo uu inaga muuqdo,waxaan leeyahay Ururka WADANI dhaqankiisu waxa weeyaan dhaqanka Islaamka marka waxa mar kasta in la ilaaliyo Islaamka maadabo aynan Shaydaanka waxba ka dooneyn laakiin waxa aynu waxka dooneyna waa ILAAHAY,marka waa in aynu ALLE raali gelina,waxa aynu dooneyna in manta aynu Maxamuud Xuseen Caabi oo beeshu isku raacday in uu ISHAALAH guuleysto ayeynu dooneyna marka waxa wanaagsan in loo rumeeyo arinta Murashax nimadiisa marka waanu u ducaynay oo waxa aynu lenahay ALLE haka dhigo kii soo baxa”
Murashax Maxamuud Xuseen Caabi (Indhacase) oo isaguna ka hadlay munaasibaddaasi, ayaa si weyn ugu booriyey Beeshiisa inay Codka siiyaan waxanu sido kale sheegay in uu ka so digo rogtay Xisbiga UDUB waxanu yidhi “Garabada lagu duula waxa weyeeyaan Dadweynaha waa kuwa aanu Codka ka dooneynomarka waxaan anigu ka tirsanaan jiray markii hore Xisbiga UDUB kolka markii hore waan yara cidhiidh saday Golaha Deegaanka ee hada xilku ka dhamaaday laakiin hada ayaan ahey Murashax rasmi ah oo u taagan Doorashada Golaha Deegaanka soo socda ,waxaan ka codsanaya in Beeshayda ii ig matay Xilka Murashaxnimo inay Codka isiiyaan inaaduceeyaan,Ninba laga hayey Caano waan jeclaaye Cadho dameeraad ayey iga galeen waxaan u jeeda maan aheyn dadka duul duulka badan oo waxaan aha Asaasayaashii Xisbiga UDUB waligeyna meel kale maantegin,marka kolkii aan Beeshayda la tashaday ee wax yaabo badan qiimeeyey waxaanu ogaanay in C/raxmaan Ciro uu yahay Nin Qun yar socod ah oo wax lala qabsan karo,kolka aad ayaan ugu faraxsanahay in aan Maanta iska sharaxo Ururka WADANI”