Ururka Haye 13 Arday dalka Dibadiisa Uqaaday”Daawo Sawirada”
Ururka Dhalinyarada ee HAYE “Horn Of Afrika Yout Enhancement” oo ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee ka jira Magaaladda Muqdisho, ayaa wuxuu si weyn uu uga soo dhex muuqday saaxada Magaaladda Muqdisho.
Ururka HAYE ayaa wuxuu qeyb balaaran uu ka geystaa wax u qabashada bulshada Somaliyeed kuwooda u baahan, wacyi-gellin joogto ah, doodo kala duwan oo ku aadan arrimaha dalka iyo gargaar balaaran oo ay ka geysteen Koonfurta Soomaaliya, markii dalka ay halakeeyeen abaaro baahsan.
Ururkaan ayaa wuxuu todobaadkaan uu 13 arday Soomaaliyeed ah uu u sahlay deeq waxbarasho oo dalka Malaysia ah, waxaana xafladii lagu sagootinaayay ardaydaasi ka soo qeyb-gallay Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu Ururka HAYE uu uga mahad-celiyay dadaalada balaaran ee uu muujinaayo iyo sida diiran ee uu wax ugu qabanaayo shacabka Somaliyeed, inkastoo ay yihiin Urur Dhalinyaro oo wax-qabadka uu dhankoodu uun yahay.
Mudane Shariif Sheekh Axmed oo maalin kahor ka hadlaayay munaasabadaan, ayaa wuxuu ardayda Somaliyeed ee deeqda waxbarasho ka heshay dalka Malaysia uu ku booriyay, inay wax u soo bartaan dalka iyo dadkooduba, oo uu sheegay inay maanta u baahan yihiin dad aqoon leh.
Dhanka kale Ururka Dhalinyarada ee Haye “Horn Of Afrika Yout Enhancement” , ayaa wuxuu dhawaan uu 18 arday ah uu geeyay Jaamacadaha ku yaalla gudaha dalka, halka 10 kalana uu geeyay dugsiyada hoose iyo dhexe ee ku yaalla dalka.
Wax-qabadka Ururka Dhalinyarada ee HAYE ayaa wuxuu yahay mid joogto ah, waxaana si weyn uga mahad-celiyay bulshada Somaliyeed, iyadoo ay xusid mudan tahay inay yihiin dhalin isu taagtay wax-qabadka dadka Somaliyeed.


