Guddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka Nasiye Axmed Muxumed Cumar (Axmed Talyaani) ayaa sheegay inay qaadaceen ka qayb-galka doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee Dalka ka dhici doona 28-ka bisha November 2012-ka.
Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Nasiye Axmed Talyaani oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Xarunta ururka Nasiye ayaa sheegay in aanay ka qaybgalayn doorashooyinka soo socda, isla markaana ay qaadaceen, ka dib markii caqabado badan ay kala kulmeen qaabka hawsha loo waddo iyo nidaam adag oo uu sheegay inuu dabrayo musharaxiinta uga qayb-galay doorashada qaarkood.
Ugu horayn Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Nasiye oo Shirkaas jaraa’id ka hadlay, waxa hadladiisii ka mid ahaa “Waxaan qabaa in loo calaacali doono Golihii deegaabnka ee hore, markii aanu aragnay dhibaatooyinka ku gedaaman xulista murashixiinta wakhtigan ee Golaha deegaanka, waxaana kow ka aha Qodobka 20-aad Faqradiisa labaad ee Deebaajiga sheegaya, kaas oo markii hore ahaa Konton kun oo laga dhigay Hal milyan, Qodobkaasina uma qaybsana sida ay gobolada iyo degmooyinku u qayb sanyihiin, waana aqoon darro ay lahayd ciddii samaysay”
Guddoomiyaha ururka Nasiye, waxa uu intaas ku daray “Komishankana markii aanu ku nidhi arintas eega waxay noogu jawaabeen wakhti uma hayno lagu eego ahadda oo doorashada ayaa dib u dhacaysa hadii arintaas la galo, taasi waxay keentay inaanay musharixiinta meelaha qaar awoodin inay lacagtaas bixiyaan, taasi waxay keentay inay Ururrada ku adkaato inay helaan Murashixiintii laga rabay ee degmooyinka oo haysta lacagtii laga rabay, markaa hakla aanu anagu ka celinay ee aanu diidnay ururrda qaar waxay go’aansadeen inay iygu ka bixiyaan lacagtaas, waxaanay taasi dhaawac ku tahay golaha deegaanka ee dalka, arintaasna waxa kow ka ah Golaha wakiiladda oo aan eegin Xeerarka ay ansixiyaan”
Guddoomiyaha ururka Nasiye Axmed Muxumed Cumar waxa kale oo uu sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro uu is-wadda leekaysiiyey lifaaqa dambe ee lagu darayo xeerka doorashooyinka, waxaanu yidhi “Arinta ugu daranin waxa weeyaan xeerka Doorashooyinka qodobadiisa, waxaad moodaa inuu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Hogaaminaya Ururka Waddani inuu isagu is wada le’ekaysiiyey oo ay danihiisa gaarka ah u adeegayaan, waxaad moodaa laba lifaaq oo dambe oo lagu daray xeerka inuu isagu samaystay, qayb ayaanuu ka yahay caqabadda xeerka, waxa kale oo caqadab ku ah Xukuumadda, Komishankuna daacad kama aha Doorashada oo sidii hore ma aha”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Anagu (Nasiye) Waanu ku qanci waynay in Qof muwaadin ah oo isa soo sharaxay lacag laga bixiyo Cashuur ah, waxaanay nala noqotay dhib aanu u horseedayno Umadda, waxaanu ku qanci waynay inaanu arintaasi qayb ka noqono oo aanu u arkayno halaag bulshada ku soo socota, markii aanu ka shirnay ee aanu ka baaraan degnay, waxaanu go’aansannay inaanu gebi ahaanba qaadacno oo aanu ka baxno Doorshada Golaha Deegaanka, waananu ka raali gelinaynaa dhamaan taageerayaashayadii arintaas aanu go’aansannay”
Buraan News.com/Hargeysa