Ururka Suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxabanaan ee Somaliland SSJW ayaa cambaareeyay talaabada ay Ciidamada amaanka magaalada Boorama ee gobolka Awdal ay maanta xabsiga ugu taxaabeen labada wariye ee TV-yada Bulsho iyo Somali Set uga soo warama gobolkaasi Haashim Cumar Good iyo Mursal Cilmi Cumar, taas oo ay ku tilmaameen mid qayrul sharciya oo ka hor imanaysa madaxbanaanida distooriga ee saxaafada madaxbanaan.
Waxa kale oo uu ururka suxufiyiinta SSJW ku eedeeyay hay’adaha amaanka ee gobolka Awdal inay kula kacaan suxufiyiinta ka hawlgala gobolkaasi jidh-dil iyo garaacid, taas darteedna ay ug baaqeen xukuumada in si bilaa shuruud ah loo sii daayo wariyayaasha xidhan, ugana digay xadhiga iyo tacadiyada lagu hayo suxufiyiinta Somaliland ee ka hawlgala warbaahinta kala duwan ee dalka.
Ururka SSJW waxa uu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka ururkaasi Maxamed Ibraahim Sagax, kaas oo u qornaa sidan:-
Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxbanaan ee Somaliland SSJW waxa uu cambaaraynayaa talaabada Ciidamada amaanka magaalada Boorama ee gobolka Awdal ay shalay xabsiga ugu taxaabeen labada wariye ee gobolkaasi uga soo warama TV-yada Somali Sat wariye Haashim Cumar Good iyo wariye Mursal Cilmi Cumar oo Bulsho TV u soo warama, taas oo aanu aragno xadhig qayrul sharciya oo ka hor imanaya anshaxa saxaafada xeer lr 27/2004 iyo madaxbanaanida distooriga ah ee saxaafada, sidaa darteed waxaanu ugu baaqaynaa xukuumada inay si bilaa shuruud ah xoriyadooda ugu soo celiso suxufiyiinta xidhan, waxa kale oo aanu cambaaraynaynaa tacadiyada iyo cago juglaynta lagu hayo suxufiyiinta ka hawlgala gobolka Awdal, oo qaar ka mid ah suxufiyiinta hore loogula kacay dhacdooyin xadhig iyo jidh-dil iskugu jira.
Ururka SSJW waxa uu xukuumada madaxweyne Siilaanyo uga digayaa cabudhinta iyo xadhigyada sharci darrada ah ee ay caadaystay inay kula kacdo suxufiyiinta hawlahooda shaqo gudanaya”