Wakhtigii ay Komishanka Doorashooyinka Somaliland u qabteen Ururradda iyo Axsaabtu inay ku soo Gudbiyaan Liiska Murashixiinta uga qayb gelya Doorshooyinka Goleyaasha Deegaanka Somaliland ee dalka ka dhici doonta 28-ka Bisha 11-aad ee Sannadkan, ayaa ku eekayd Lixdii fiidnimo ee caawa, waxaanay Komishanka Doorashooyinku ka hadleen Ururrada iyo Axsaabta soo gudbisay Liiskoodi Murashixiinta iyo kuwa aan u soo gudbin ee ka hadhay Doorashad.
Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland Md. Maxamed Axmed Xirsi Geelle, ayaa shaaciyey Magacyadda Ururadda iyo Xisbiyada soo gudbiyay Murashaxiintooda Goleyaasha deegaanka dalka ee gobolada iyo degmooyinka u soo gudbiyey ee soo dhamays tiray.
Afhayeenka Komishanka Maxamed Axmed Xirsi Geelle oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa sheegay inay 6:00 fiidnimo ee caawa la soo gebo-gabeeyay qabashada liiska Murashaxiinta Xisbiyada iyo Ururadda siyaasadda uga qeyb galaya tartanka doorashada, isagoo arrintaasi ka hadlyayna wuxuu yidhi “6:00 cawaysnimo ee caawa (Xalay) ayey si rasmi ah u xidhan tahay wakhtigii qababashada liisaska murashaxiinta Goleyaasha deegaanka dalka, waxaana soo wada xareeyay oo dhamaystiray murashaxiintoodii 7 Urur iyo xisbiyo iskugu jira.”
Afhayeenka Komishanka doorashooyinka oo ka hadlayay magacyada ururadda soo gudbiyay murashaxiintoodii wuxuu yidhi “Waxa dhamaystiray oo aanu ka qabanay liisaskoodii murashaxiinta doorashada deegaanka DALSAN, KULMIYE,RAYS, UCID,UMMADDA, WADANI iyo XAQSOOR.”
Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) waxa uu sheegay in aanay wax liisas ah u soo gudbin Xisbiga UDUB iyo Urur- siyaasadeedka NASIYE, oo uu tilmaamay inay hore u sheegeen inay qaadaceen ka qeyb galka tartanka doorashada Goleyaasha deegaanka.
Buraannews.Com/Hargeysa