Waxaa soo ifbaxaaya khilaafkii ugu darnaa ebed ee soo kala dhex gala saraakiisha sar sare ee Xaakada Al-shabaab ka dib markii ay ku jabeen meelo badan oo ka mid ah dagaalada ka soconaaya gobalada Soomaaliya.
Waxaa la sheegayaa in markaan ay kala taagan yihiin qir iyo qir, waxaana qaarkood ay doonayaan in ay ku cararaan buuraha Goolis ee maamulka Puntland, halka kuwa kalena ay kasoo horjeedaan arintaasi.
Saraakiil uu ka mid yahay Sheekh Cali Dheere ayaa waxay soo jeediyeen in dagaalka lasii wado, hase ahaatee saraakiisha Al-shabaab ee kasoo jeeda gobalada Jubooyinka waxay sheegeen in dagaaladii oo dhan ay gobaladaasi isugu soo biyo shubteen sidaa darteedna aanay shacabka dhameeneen.
Arintaasi darteed ayaa la tilamaamay in laba dhinac ay u kala safteen saraakiisha Al-shabaab oo qaarkood waxay doonayaan in lasii wado dagaalada, halka kuwa kalena ay rabaan in dagaalada la joojiyo oo buuraha lagu cararo.
Si kastaba ha ahaatee Xarakada Al-shabaab ayaa markaan u muuqda kuwo awoodii Milatari ay kasii dhaceyso in kastoo dalka ay ka joogaan meelo aad u badan, xitaa ay ku sugan yihiin meelo ay maamusho dowladda Soomaaliya.