Agaasimaha guud ee Wasaarada Maalyadda Galmudug Bile Diini Cali ayaa Maanta Saxaafada la hadlay wuxuuna sheegay in ay dhamaan ganacsatada iyo Bulshada Galmudug uga digayaan qaadashada Lacago uu ku tilmaamay in ay yihiin Been abuur .
Bile Diini Cali Agaasimaha Wasaarada Maalyada ayaa dhanka kale ka Hadlay in wixii hada ka Denbeeyay aysan u dul qaadanayn in la isticmaalo lag faalso ah ayna ka hortagisteda iska kaashan doonan Ciidamada Buliiska Galmudug iyo Wasaarada Maalyada Galmudug Cidii lagu arko iyadoo isticmaalaysa laga qaadi doono talaabo cad Maadama ay abuurayso Sicir barar ku yimaada ganacsiga .
Dhanka kale wuxuu agaasimuhu fariin u diray Dhamaan ganacsatada iyo sarif layaasha ka ganacsada isku badalka lacagaha qalaad iyo Shilin Somaliga wuxuuna ka codsaday in ay ka fogaadan wax yaabaha u keeni kara in Xoolahoda xalaasha ah aysan ku Badal xaaran maadam ay Lacagtan tahay xaashi Rinji la mariyay oo faalsa ah.
Hadalkan ka soo yeeray Wasaarada Maalyada Galmudug ayaa ah markii ugu horaysay ee ay ka hadlaan Masuuliyinta Maamulka Galmudug iyadoo Dhawaanahan ay ka Digayeen Maamulka Puntland qadashada Lacagahan balse hada ay ku dhaqaaqen maamulka Galmudug sidii looga hor tagi lahaa Lacagaha faalsada ah ee suuqyada Magaalada Galkacyo ku soo qulqulaya