Wasaaradda Warfaafinta oo Cambaareysay Weeararkii Ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Xarunta Hooyooyinka

Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Waqtigeedu dhamaaday ee Soomaaliya ayaa Camabaareysay Weeraradii Ismiidaminta ahaa ee Xalay Maqribnimadii lagu qaaday goob ay Dadku ay ku Shaahan oo kutaal Guriga Hooyinka ee Degmada Xamarweyne .

Agaasimaha  Wasaaradaa Warfafinta C/qaadir Cali Yuusuf Bahlaawi ayaa wuxuu cambaareeyay Qaraxyadii is Xigxigay ee Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Maxarweyne gaar ahaan Xarunta Hooyooyinka.

C/qaadir Bahlaawi waxaa uu sheegay in falkaasi uu aad uga naxay uuna ka xunyahay sida ay wax u dheceen waxaana uu tilmaamay in lamaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya uu ugu baaqayo in ay Xil weyn iska saaran sugidda Amaanka .

waxaa uu u Tacsiyeeyay Agaasimaha Ehelladii iyo Asxabtii ay ka Geeriyoodeen Wareiyaashii iyo Dadkii Shacabka ahaa ee xalay ku Geeriyooday weerarkii Ismadaaminta ahaa ee lagu weerary goobta Maqaaxida ah ee ay Dadku ku Shaahaan ee kutaal Guriga Hooyooyinka Xamarweyne.

Magaalada Muqdisho Maalmihii dambe waxaa ku soo badanayay Qaraxyada iyo sidoo kale Falalka Ammaanka Liddiga ku ah ee ka dhacay Degmooyinka qaar ee Magalada Muqdisho.

Comments are closed.

WARARKII