Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay Warar Sheegayey Inuu Koox Diimeedka Al-Islaax Ka Tirsanyahay Iyo Deegaan Dhinaca Waqooyi Hargeysa Ka Xigan Oo Lagu Muransanyahay

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale Duur, ayaa sheegay inaanuu wax xidhiidh ah la lahayn oo aanuu ka tirsanayn Koox diimeedka Al-islaax, isaga oo sheegay inaanay wax aqoon ah isku lahayn Madaxeynaha Cusub ee Somalia loo doortay.

Wasiir Duur oo maanta u waramay Telefishanka HCTV, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Deegaano dhinaca waqooyi ka xiga magaalada hargeysa oo uu in muddo ah muran ka taagnaa, isla markaana aanay ka dhici doorashooyinki ugu dambeeyey ee Somaliland, waxaanuu yidhi “Runtii waxaan ugu baaqeyna xubnihii dhalinyarada aha ee fikiraa qaatay ee dagaalada ka qayb galay hadii ay ka waantoobayaan oo ay arinta dadkoodi iyo Ehekoodi kala xidhiidhayaan oo ay meesha si degenaan ah u joogyaan waxanu u fidin kareyna Cafis Bili aadamka oo dhimi way qaldamaan hadii ay noloshoodi dib u bilaabayaan xobneeheeni halkan ka tegay weynu soo dhaweynayna, Xibiga dhisan ee ay maanta Siyaasada dalkani ku dhisantahay waxa weeyaan Xisbiga Kulmiye waxaan qaatay Siyaasada Xisbiga  Kulmiye Xilka aan maanta hayaana waxa weeyaan Xilalka ugu miisaanka roon ee Siyaasada Xisbiga Kulmiye,marka maanta ii suurta galmaaha in aan Xisbi kale dhiso iina suurto gelimeyso waxa kale oo laysku hayn kara maysku hayn kara mise iskuma hayn karo waxa haboon in Sharciga la weydiiyo arinta,laakiin marka aan anigu Caqligayga ku eego ma jiro ilaa hada  Sharci odhan kara labada Xil oo Golaha heer Deegaan iyo heer Baarlamaan iyo heer Madaxweyneba dhamaan xilalka waxay ka wareegi karaan oo Maayarada dalka oo dhami waxay xilalka ka wareegayaan marka Doorasho Golle deegaan la qabto marka waxay noqonaysa in qofkasta uu xor u yahay Hamigiisa Siyaasadeed”

“Madaxweynaha Somaliland waxaan u gudbiyey Warbixin aan leeyahay waxa jira Goobo nabad ah oo Doorasho ka dhici karto oo Nabadgeliyadoodu sugan tahay una diyaar ah inay waxna doortaan lana doorto xaqnataa u leeyihiin,waxa kale oon Madaxweynaha u sheegay Deegaano ka mid ah Somaliland maqnaanta ay Doorasho ka maqan tahay inay Nusqaan qaranka Somaliland u tahay sida darteen waxaan soo jeedinaya inay Doorashadii ay xaqa u lahaayeen ay ka qabsoonto,sida darteed Muranka dhanka dhulka ama Degmooyinka si arinta layla wadaago Madaxweynaha waxaan u soo jeediyey in Guddi ka balaadhan loo xilsaaro,Ninka Madaxweynaha Somalia ah aniga isma naqaano mana dhisin isaga laakiin waxa hubaal ah in aynu u baahanay in aynu  Xidhiidhla sameyno,Xukuumada aan ka tirsanahay waxay Somalia la waday wada hadal imikana ISHALAH waa lala sii wadidoona,runtiina lug waynu ku lahayn Doorashadii sababtoo ah waxa jirta cid u cadaw ah Somaliland iyo cid wada  hadalkii lala sii wadi karo dhiidhka aanu la lahayn (Doorashada Somalia) waxa uu aha Xidhiidh Is gaadhsiineed waliba aniga iyo Xubno kale la laheyn waxanu ka taxadiraynay cida aanu la wadi kareyno wada hadalkii iyo cida aanan la wadi kareyn Wada hadlaka yagii no socday Somalia “

 

Buraannews.com/Hargeysa

Comments are closed.

WARARKII