Munaasibad loogu talagalay xadhig jarista Waddo Laamiya oo lagu qabtay Huteel-ka Maansoor Ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire Maayarka Hargeysa Eng: Xuseen Maxamed Jiciir, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Is-gaadhsiinta Axmed Xaashi Oday, Gudida Qaban qaabada Waddada iyo Qaarka mida shirkado Muxaliga ah ee ka Hawlgala Caasimada isla markana gacan ka gaystay dhismaha Wadadaasi Laamiga ah ee laga Hirgeliyey Xaafada Jig-Jiga yar”
Wadadan Shalay Xadhiga laga jarayay ayaa dhererkeedu dhan yahay 1200m taasi oo isku Xidhaysa Kaalinta Total Fuel station iyo Warshadii Masaabiirta ee Xaafada Jig-Jiga Yare waxaanay wax yar u marta Hotel Maansoor”
Gudida Qaban qaabada wadadan xadhigaWasiirka Qorshayntu ka jaray oo ka kooban sagaal Xubnood ayaa sheegay in Wadadan Laamida ah lagu dhisay lacag ururin taasi oo ay ka qayb qaateen Dadwaynaha dagan Xaafada Jig-Jiga yare Gaar ahaan Haween dhawar ah oo ay fikirkrada Wadadana lahaayeen labada Hablood eek ala ah,Hinda Ibraahim Xuseen,Caasha Maxamed Axmed”,Shirkadaha Jameeco Wayn sparepart iyo Telesom, waxa kale oo qayb ka qaatay Wasiirka wasaarada Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire, Wasiirka Duulista Hawada iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmieye Muuse Biixi Cabdi.Dawladda Hoose, waxay Guddidu tilmaantay in Shirkada Somtel oo balan qaaday qayb ka mida wadadaasi aanay wali fulin.
Guddida ayaa sheegay in hada qayb ka mida Wadadan Laamida ahi dhamaatay isla markaana ay hadhay qayb kale oo uu ka mid yahay Biriish loo baahan yahay in laga talaabiyo Wadada, waxaanay tilmaameen inay inta Wadada Laamida ah ka hadhay iyo Biriishka ku baxayso lacag dhan Laba Boqol iyo Koow iyo Labaatan Kun iyo Siddeed Boqol oo Dollar. waxaanay Dad waynaha Dagan Xaafada jig-jiga yar iyo cidii khayrka jecel ee ka qayb qaadanaysaba u soo jeediyeen in laga qayb qaato sidii loo dhamaystiri lahaa inta Wadadaasi ka hadhay oo Ugu muhiimsan yahay Biriish lagaga talaabayo laag dhexmarata Xaafada Jig-Jiga yar.
Maayarka Caasimada Hargeysa Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay Munaasibadaasi xadhiga lagaga jarayay Wadada ayaa sheegay in Dawladda Hoose door keeda ka qaadatay islamarkaana ay Garab taagan tahay dhismaha qaybta hadhay. Waxana Maayarku tilmaamay in Dadweynuhu bixiyaan Daamurka kaasi qarashka ku baxa wadada ka ah boqolkiiba shan iyo labaatan ilaa boqolkiiba sodon ah.
waxa uu tilmaamay in dawlada hoose Wakhtiyadan ku mashquushay Wadooyinka Xaafadaha dhex mara isla markaana Wadooyinka waawayn ee Hal bawlaha ahi ay dayacmeen. waxa uu sheegay in dawlada Hoose labada bilood ee u hadhay ay dib u dhisku samayn doonto Wadooyinka waawayn ee suuqyada dhex mara.
Xildhibaan Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh) oo ka mid ahaa golaha wakhtigoodii dhamaaday Caasimada Hargeysa ayaa Shirkadaha Dalka ugu baaqay inay ka qayb qaataan Horumarka dalka, waxaanu u soo jeediyay shirkadaha Dahab-shiil iyo Telesom inay qaataan door ka balaadhan ka imika ay ka qaateen Wadadan. waxaanu yidhi
“Shirkadaha Dahab-shiil iyo Telesom ayaa int ku daray loogama fadhiyo labadaa shariikadood waxaanu ka jeclaan lahayn in midi qaadato wadadan inta ka hadhay shirkada kalena inay wadada taagan ee boqol iyo kontonka inay gaadhsiiso halka ay basaska kaga darsamaan haddii intaas ay sameeyaan labadaba magacaanu ka badali oo magacyadoodaanu u bixin Dahab-shiil Raod iyo Telesom Biriish.
Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo soo Xidhay Munaasibadaasi ayaa sheegay in Ummadu horumar ku gaadho wax wada qabsi, waxaanu tilmaamay in fikirka iyo Abaabulku yahay mihiim. waxa uu wasiirku xusay Wadadan Laamiga ah intaan la dhisin inay dadka iyo gaadiidka dhib wayn ku haysay. Dr Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la xuso dadka wadanka wax u qabta isagoo sheegay in horumarka iyo nabada maanta lagu naaloonayo ay keentay mujaahidiinta SNM halka dawladnimadana uu xusay in Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu hirgaliyay loona baahan yahay in dadka wax tara dalka la Xuso. waxaanu dadka u soo deediyay in laga qayb qaato Wadada iyo Biriishka hadhay isagoo tilmaamay inaanay maalka nusqaamin wax bixintu.
Guddida Qabanqaabinaysay Wadada ayaa ugu dambayntii Shaahaado sharafyo Gudoonsiiyay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka, wasiirka Duulista Hawada, Maayar Jiciir, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi , Shirkada Jameeco wayn oo Hormuud ka ahayd wadadan, Shirkada Telesom, shirkada Somtel oo aan iyadu ka soo qayb galin munaasibadani islamarkaana ay gudidu sheegtay inay marti qaadeen balse aanay ka soo xaadirin iyo Xubno ka mida Guddida Hawshaasi waday oo ahaa kuwii ugu firfircoonaa. Ugu dambayntiina waxa uu wasiirka Wasaaradda Qorshaynta qaranku Xadhiga ka jaray Wadadaasi Laamiga ah oo la filayo in la dhamaystiri doono wakhti dhaw.
buraannews.com/Hargeysa