“Waxa Mudaharaadka Keenay Dulmi Ayaa Dhacay Oo Doorashadii Ayaa Lagu Shubtay, Dadkana Waxaanu U Sheegnay Inaanay Nabadda Iyo Midnimada Somaliland Wax Lagu Doorsad Jirin” Xasan Ciise Jaamac

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Muj. Xasan Ciise Jaamac ayaa ka hadlay rabshaddaha ay taageerayaasha Ururkaasi ka wadaan  Degmadda Axmed-dhagax ee Magaaladda Hargeysa, isaga oo sheegay inuu aad uga xunyahay waxa dhacay ee keenay khasaaraha dhimashada iyo dhaacaba leh, waxaanuu Xukuumadda ku eedeyey in dad shacab ah loo adeegsaday rasaas nool .

Xasan Ciise Jaamac oo u waramayey Idaacadda BBC-da laanteedda Af-Soomaaliga ayaa waxa kale oo uu sheegay in Mudahraadada ay wadaan taageerayaasha Ururka Xaqsoor ay  keeneen boob lagu sameeyay codadkii ururka  Xaqsoor ka helay  qaar ka mid ah Gobolada dalka iyo deegmooyinka  qaarkood, isaga oo tilmaamay in inay Guddida Doorashooyinku waxba ka qadan wayeen markii ay u sheegeen arintaasi.

Guddoomiyaha Ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa dhacay dhalinyaro mudaharaadaysay ayaa waxa lala dhacay Xabad, waxaana loo adeegsaday Ciidamadii Qaranka, shalay iyo Xalay waxa dhintay  hal qof lix rag iyo dumatrba lihina way ku dhaacmeen,  markii ay arintasi bilaabantayna waanu ka hawl galnay xagayaga, waxaananu u guntanay sidii ay nabad gelyadu u soo noqon lahayd, ilaa saqdii dhexe ee Xalay dhalinyarada waan ku dhex jiray oo hogaanka xaqsoor kamuu dhex bixin oo salaadiinta ayaa loo yeedhay, Culimadii ayaa loo yeedhay, hogaamiyeyaashii ayaa loo yeedhay, aada ayaanu uga qayb qaadanay sidii aanu xaaladda u dejin lahayn iyo sidii aanu nabad gelyada u soo celin lahayn, marakaa Subixiina waxaanu kula ballaanay beel fagaare ah oo ah Garoonka Gubadda ee Hargeysa Stadiom, waananu kala hadalnay halkaas oo way noo yimaadeen dadkii, waxaanau ku baraarujinay inaanay jirin wax la siisto nabad gelyada iyo mid nimada Somaliland, maadaama ay dadkan iyo nabad gelyadiisa ay hawl badani naga soo gaadhay, naf iyo maalna loo huray, Taariikh fiican oo baal dahab ahna uu Ururka Xaqsoor ku leeyahay, dadka mudaharadayaana waxay u badanyihiin dhalinradii taageerayay Ururka Xaqsoor”

Xasan Ciise waxa kale oo uu ka hadlay sababta keentay Mudaharaadka waxanu yidhi “Waxa Mudaharaadka keenay wixii keenay Mudahaaradka Masar ka socda ee dumiyey nimadaamkii Xusni Mubaarak, waxa keenay ka ka socda Indunusiya ee dumiyey nidaamkii halkaasi ka jiray iyo ka ka dhacay Suuriya, waxa weeyaan waxa dhacay dulmi heer qaran ah oo la duudsiyey xuquuqdii dadka muwaadiniinta ah, waxaana lagu shubtay Doorashadii bari ilaa galbeed, gobolo dhan ayaana la yidhi Doorashadii kama qayb gelaysaan oo la duudsiyey xuquuqdoodii, kuwaas oo diyaar u ahaa oo aanu nagu diyaar garaynay inay doorashadu ka dhacdo, intii dhexena waa la boobay, waxaana dhaatadii laga waayey Koobiitaradii dhaatada la geliyey, si qaral caadi ah oo badheedh ah ayaana looga waayey, markaas ayaa dhaatooyin dambe la geliyey oo ka yar tii hore”

Guddoomiyaha Xaqsoor Xasan Ciise oo la waydiiyey inay tallaabiiyin shaci ah u maraan cabashadooda waxa uu yidhi “Tallaabooyinkaas oo dhan waanu qaadnay sidii aanu dacwad ugu gudbin lahayd Guddida Doorashdooyinka oo Ururka Xaqsoor waxa uu u saaray Guddi, waxaanu u geynay qoraal afkana waanu uga sheegnay waanay nala ballan sanyihiin, waana la wadaa, maxkamadahana waanu bilawnay in loo geeyo, dacwadihiina waa laga furay, waana talaabo talaabo oo weli Guddida Doorashooyinki kumay dhawaaqin natiijadii rasmiga ahayd ee her qaran, laakiin waxa lagu dhawaaqay wa degmo degmo, waxaana ka muuqda dulmi fara badan iyo ku shubasho aan xishood lahayn oo cadaan ah waxaana la hayaa muqaal cadaynaya taas, iyada oo waraaqihii lagu gurayo sanaaduuqdii geed hoostii iyo iyada oo gaadhi dushii lagu gurayo, waxaanu haynaa waraaqo la daadiyey oo calaamadsan oo Ururrada qaar loo calaamadiyey”

Comments are closed.

WARARKII