Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa ka dayriyey Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee lagu wado inay dalka ka dhacdo 28-ka Bisha 11-aad ee Sannadkan, isaga oo sheegay in haddii ay sida ay hadda wax u socdaan ee loo maamulayo qaabka Doorashada ay sababi karto in la isku dilo oo Sanduuqyada cod bixinta la keeno iyaga oo dhiig leh.
Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo shalay Saxaafadda kula hadlayey Xarunta Urur-siyaasadeedka Xaqsoor ee Magalada Hargeysa oo Ay qaar ka mid ah Ururrada iyo Xisbiga UCID ku lahaayeen shirar ku saabsanaa sharci nimada labada il ee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiya Ururka Waddani, ayaa waxa kale oo uu sheegay inaanay dalka ka dhici doonin doorasho aanuu Xisbiga UCID ka qayb gelaynin
Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan idiin cadaynayaa Doorasho aanuu ka qayb gelaynini inaanay dalka ka dhici doonin, waxaanu u halgamaynaa Doorashada dalka ka dhici doontaa inay noqoto mid Xor ah oo Xalaal ah, laakiin nasiib darro sida ay imika wax yihiin haddii ay doorasho ku dhacdo inay noqonayso mid xor ah oo xalaal ah, waxaan halkan ka caynayaa inaanaan haysanin Ururka Waddani la yidhaahdo, waxaana weeyaan Urur ka mid ah Ururrada oo xaq noogu leh inaanu u ixtiraamno sida aanu Ururrada kale u ixtiraamayno, laakiin waxaanu diidannahay in Masuul Qaran oo Xilka uu hayo aanu annagu wax ku leenahay inuu Hogaan ka noqdo, waxaanu leenahay la miod noqo sida Guddoomiye yaasha kale ee Ururrada iyo Axsaabta sidaas ayuu sharciguna ku farayaaye”
Cali Guray mar uu ka hadlayey inay Xukuumaddu wadato Guddoomiye Xirro, waxa uu yidhi “Waxaanu ognahay ninay Xukuumaddu tahay ta iyadu ka dambaysa Guddoomiyaha Golaha Wakiillad, waxa kale oo aanu ognahay inay Wasiirro Xukuumadda ka mid ahi inaanay u shaqaynaynin Xisbul Xaakimka KULMIYE oo ay u shaqaynayaan Urur Dawladeedka Waddani, Lacagta ku jirta Khasnadda Golaha Wakiillada Boqolkiiba Konton, waxa saxeexa Guddoomiyaha, markaa isla saxeex qudha ayey ku wada baxaan Shidaalka Waddani iyo ka Wakiilladu, ragga u wasiirada ahna dee ku xigeenkiisii ayaa Maaliyadda haysta, waxaana ku jira ragga Wasiirrada ah ee Taageersan Cirro Wasiirka Madaxtooyada ayaa ka mid ah, waxaan ka baqayaa in sanaaduuqda la keeni doono iyaga oo dhiig leh”
Buraannews.com/Hargeysa