|

Xildhibaan Goor dhaweyd lagu Toogtay Baargaal

Wararka haatan naga soo garaayo degaanka Baargaal ee maamulka Puntland aya shegaya in goor dhow lagu dilay Mid akmid ah Xildhibanada maamulkaas.

Bile Maxamuud Yuusuf ayaa ah xildhibaanka lagu dilay halkaas waxaana lasheegay in dileen kooxo afka soo duubtay sida warbaahinta ushaaciyeen dadka halkaas ka agdhow.

Goob joogayaasha aya kudaraayo in goobta isaga baxeen gooxihii dilkaas geyste inkastoo aan la soo qaban kooxihii falkaas kadanbeeye.

Ma jirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay maamulka Faroole oo ku aadan dilka xildhibaankaasi oo caawa lagu dilay Baargaal.

Maalmahan waxa soo badanayey falalka amaan daro ee dilka iyo afduubka ka taagnaa deegaanada Putland iyadoo ciidamadana heegan ku jiraan.

Wixii kasoo kordho insha allah kala soco

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Leave a Reply