Xisbiga Kulmiye Oo Iska Leexiyey In uu Masuul Ka Yahay Burburka Ku Yimid Xisbiga UDUB,

Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa iska fogeeyey in ay ku lu leeyihiin burburka ku yimid Xisbiga Mucaraadka ah ee UDUB, kaas oo masuuliyiintiisu fashilaada ku timid dusha uga tureen Xukuumadda, Komishanka iyo guddida diiwaan gelinta.

Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in aanay masuul ka ahayn burburka ku yimid xisbiga UDUB, waxaanu xusay in aanay masuuliyiinta Xisbigaasi iyagu burburiyeen Xisbigooda.

Maxamed Kaahin oo shalay ka hadlayey munaasibada Xisbiga Kulmiye ku soo bandhigayey mid ka mid ah murashaxiintiisa golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa, ayaa waxa uu yidhi “Warbaahintu waxa ay qoraysaa in Burburka ku yimid Xisbigii UDUB uu Kulmiye masuulka yahay, waxaan leeyahay dhibaatooyinka ku yimid UDUB masuul kama aha Xisbiga Kulmiye, Xubnihii Xisbiga ka midka ahaana hore ayey u cadeeyeen oo Ururaddii ugu da’da weynaa inuu yahay waynu qiraynaa waxa uu ahaa Xisbiga UDUB mid Qarankan tacab badana la geliyey, waaana Xisbi loo baahnaa maantana inuu soo baxo ayey ahayd, laakiin Xisbiga UDUB raggiisii ayaa gabay ee yaan KULMIYE lagu meeraysinin ileyn midho Ninkii cunay ayey qabtaane”

Guddoomiye kuxigeenka kowaad ee Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed  oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Khilaaf ayaa UDUB dhexdeeda ka dhacday waana Khilaaf annaga Kulmiye ahaan khilaaf wuu ina soo maray annaga oo Xisbi Mucaarid ah. Khilaafka Siyaasiga ahina wuu dhacaa oo Somalida ayaa ku maah maahda Maan rag waa Mudacyo Afkood oo waa kala wada aragti duwanaan karaa. Annagu waxaanu ku tuntuunsana in aanu Khilaafaadkayagu aanu nala dhaafin Xisbigayaga Kulmiye guddihiisa halka uu UDUB imika isku haysto, waxaan xasuusta oo Madaxdan Xusbiga ee halkan fadhida ay Goob joog ka aheyd Guddoomiyaha Xisbiga Md. Axmed Siillaanyo intaan Doorashadii Madaxtooyadu dhicin waxa loo xil saaray oo shaqadiisuna aheyd in soo dhiso Guddidii Fulinta ee Xisbiga Kulmiye waanu soo dhisay, waxaanu doonayey in loo ogolaado oo Cod la siiyo waa Xaqiiqo dhacday waxana lagu yidhi lagu ogolaan maayo waana laga diiday bariga waanu is kala noqday dibna waa uu u soo magacaabay Siyaasadanu waa Noocaas, Marka haddii ay sidaydii oo kale Khilaafaadka yeelan la haayeen oo arrimahooda iskugu soo qab qaban la haayeen waxa dhici lahayd in aanay Maanta UDUB sida u burburteen”

Maxamed Kaahin waxa uu sheegay in burburka Xisbiga UDUB yahay dhaawac ku dhacay qaranka Somaliland, waxaanu yidhi  “Waxaanu halkan maanta ka qiraynaa in Burburka Xisbiga UDUB yahay dhaawac qaranka ku dhacay,  waxaanan halkan ka cadeynayna in markii horena aanu ixtiraam u haynay Xisbiga UDUB maantana aanu u hayno, haddii uu bad baadi karana aanu noqono Dadka wax ka badbaadinaya arinkana wax shaqo leh oo aanu ku leenahay haddii aanu nahay Xisbiga Kulmiye ee yaan na lagu mar marsoon,waxaana lagu jira geba gebadii loo qabtay Ururadda in ay soo dhameystiraan Murashaxiintooda ee dalka oo dhan  waanan Saxeexnay Xeerkii Anshaxa Ururadda Siyaasadda Cidkastana wuu qabanaya waxanu dhigaya in loo sinaado Hantida qaranka oo Xisbi iyo Urur kali kuma tagri fali doono”

Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Kulmiye waxa kale oo uu kam hadlay doorashadii Madaxweynaha Somalia iyo qaraxii arbacadii lagu weeraray Madaxweynaha cusub ee Somalia, waxaanu yidhi “Habeen dhaweyd  waxa dhacday Doorashaddii Madaxweyne ee Somalia shalay (doorad)  waxa dhacay qarax lala beegsaday, markaa Somalia inta aynu dheernahay waa Nabadgelyada waxa aynu geli doonaa waa Doorasho. Haddii aanu Xisbiga kulmiye nahay cidii kale ee Doorashadda farafareynaysa iyada ayey jirta Saaxiibadeena waynu ka codsaneynaa inaguna waxaynu u taaganahay ilaalinta iyo ku dhaqanka Sharciyada Doorashadda waynu Tartameynaa, waana la kala badiya tartanka oo waa wax caadiya”

 Buraannews.com/Hargeysa

Comments are closed.

WARARKII